4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
Kheyre oo xalay kormeeray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

 

Isniin, May, 14, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo la socdaan Wasiirka Amniga iyo saraakiisha ciidamada Nabad-sugida ayaa xalay kormeeray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda amniga ee Muqdisho ku soo maray qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir iyo saldhigyada ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa meelihii uu tagay waxaa ka mid ahaa degmada Kaxda, halkaasoo uu kula kulmay Guddoomiyaha degmadaas iyo saraakiisha amniga.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa warbaahinta u sheegay in kormeeray uu qeyb ka yahay howlaha la xiriira sugida amniga iyo u kuur gelida xaalada nabadgalyo ee caasimada.

Booqashada ra’iisal wasaaraha ee qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa imaneysa xili ay nagu soo fool leedahay bisha Barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana dowladdu ku dadaaleyso sidii loo xoojin ahaa Amniga caasimada, madaama Al-shabaab kordhiyaan weerarradooda inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]