4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
Ururka Al-shabaab oo bandhigay sarkaal sida ay sheegeen ka soo goostay Jubbaland

 

Isniin, May, 14, 2018 (HOL) – Xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Jubbada Dhexe ayaa warbaahinta u soo bandhigay muuqaalka sarkaal sida ay hadalka u dhigeen ka soo goostay maamul gobolleedka Jubbaland.

Sarkaalka la soo bandhigay oo lagu magacaabo Xassan Kheyre Xusseen ayeey sheegeen Al-shabaab in uu ka mid ahaa ciidamada Jubbaland ee tababarka ku soo qaatay dalka dibediisa.

Shaqsiga Shabaabku soo bandhigeen ayaa la soo goostay qorigii uu uga tirsanaa ciidamada Jubbaland, waxaana ay saraakiisha Al-shabaab sheegeen in wixii hadda ka danbeeya uu ka tirsan yahay Ururka.

Ma’aha markii ugu horeysay oo Al-shabaab sidan oo kale u soo bandhigaan saraakiil iyo ciidamo horay uga tirsanaa Jubbaland, hasse ahaatee wali maamulka Jubbaland kama aysan hadal sheegashada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]