4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2018
Dagaal Al-shabaab iyo xoolo dhaqato ku dhaxmaray gobolka Hiiraan

 

Sabti, May, 12, 2018 (HOL) – Ugu yaraan 13 ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in lagu dilay dagaal culus oo gobolka Hiiraan maanta ku dhaxmaray dad xoolo dhaqato ah iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay subanixmadii hore Sabtidii maanta deegaanka Xalfooleey oo u dhow Jalalaqsi ayaa bilowday kaddib markii Al-shabab ka tirsan ay weerar ku qaadeen deegaankan oo dadka ku nool ee xoolaleyda ah ay ka diideen amarro ah inay bixiyaan xoolo ay ku sheegeen sako.

Cabdi Daahir Guure guddoomiyaha degmada Buula –burte ayaa sheegay in maleeshiyada dagaalka la galay Al-shabab ay ka tirsanyihiin maleeshiyo beeleedyo xoolaley ah oo waayadanbe waday kacdoon ka dhan ah Al-shabab oo gobolka looga yaqaan Macawisleey.

Saraakiisha dowladda ee gobolka ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanno kale oo gobolka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]