4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2018
Gaas iyo Keating oo ku kulmay magaalada Garoowe

 

Sabti, May, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe kulan kula qaatay danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa joogay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta reer Miyiga, Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Caddaalada iyo Arrimaha Diinta iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxeyne Gaas oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan booqashada uu Danjire Michael keating ku yimid magaalada Garoowe.

" Waxaa sharaf wayn noo ah maanta in uu halkaan nagu soo booqdo wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating oo aysan ahayn markii ugu horeysay ee uu noo yimaado, marar badan ayuu halkan noogu yimaadey, runtii markasta oo uu noo yimaado wanaagbay noo tahay anaga, sababtoo ah waxaan ka hadalnaa arrimo muhiim u ah Puntland iyo Soomaaliyaba, waxaan maanta ka wada hadalney geedi socodka nabadda Soomaaliyeed, waxaan ka wada hadalanay arrimaha nabad gelyada iyo amniga dalka, waxaan kawada hadalna arimaha siyaasada, horumarinta iyo sidii Soomaaliya horey ugu socon lahayd, dabcan shaqadiisa caadiga ahayd oo dalka meela badan oo kamida uu ku tagi jirey ayey ahayd, anagana wanaag bay noo ahayd, waxaa ka soo wareegtay lix bilood markii ugu danbeysay ee uu noo yimaado, markaa wixii isbadal ahaa ee dalka ka dhacay baa ugu muhiimsanaa iyo muhiimada ay leedahay Federaalisimka iyo dastuurka, arimahaasna kuli waan kawada hadalnay, markaa guul bay noo ahayd wadahadal kayaguna wuxuu ahaa mid ku dhacay jawi wanaagsan" ayuu yiri madaxweynaha Pntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa uga mahad naqay madaxweynhaa Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa islmarkaana ku bogaadiyey Puntland horumarka ay sameysay mudaddii ay jirtay.

Keating ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Gaas ka wada hadleen arrimaha siyaasada Soomaaliya, Amniga gobolka iyo taaba-galinta dumuqraadiyada oo uu sheegey in dhamaantood leysku afgartay.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu danbeyntii sheegay in looga baahan yahay Qaramada midoobey iyo beesha caalamkaba in ay si dhow ula socdaan xaalada Soomaaliya, islamar'ahaantaana taakulooyinka iyo gar-gaarka binuaadanimada ee ay Soomaaliya soo gaarsiiyaan si dhex-dhexaadnimo ah loo soo gaarsiiyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah. .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]