4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2018
Rag hubeysan oo goor dhaw wiil dhalinyaro ah ku dilay Muqdisho

 

Sabti, May, 12, 2018 (HOL)– Dilkan oo gaar ahaan ka dhacay xaafadda Suuq yaraha ee degmada Dherkeenley ayaa waxaa fuliyay rag hubeysnaa bastoolado sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad agdhawaa halka uu falka dilka ah ka dhacay.

Waxaa la sheegay in raga toogashada geystay ay horay u sii qaateen talleefoon uu sitay marxmuunka ,kaddibna goobta isaga baxsadeen.

Lama oga in sababta loo dilay tahay talleefoonka uu sitay iyo in ay jiraan arrimo kale oo la xiriira dilkiisa, laakiin qaar ka mid ah dadka deegaanka uu falka ka dhacay ayaa sheegay in ay u maleynayaan in dilku la xiriiro arrimo burcadnimo.

Degmada Dherkeenley ayaa ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaan falalka la xiriira dilalka qorsheysan ee lagula kaco mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka rayidka ah intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]