4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2018
Dowladda Ireland € 3 Milyan ugu deeqday Soomaaliya

 

Sabti, May, 12, 2018 (HOL) – Dowlada Ireland ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan Dowladda Ireland € 3 Milyan oo wax looga qabanayo xaaladaha Bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Simon Coveney Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Simon Coveney iyo Wasiirka Horumarinta Ireland Ciarán Cannon ayaa ku dhawaaqay deeq lacageed oo dhan 3 milyan oo Yuuro oo ku saabsan dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka taagan Soomaaliya.

Ireland ayaa sanadkii 2017, Ireland waxaa ay bixisay lacag gaaraysa € 6.7 milyan si ay u taageeraan dadaalka lagu yareynayo dhibaatooyinka bini’aadannimo ee Soomaaliya. caawinaadaasi waxaa bixiyay hay’adaha gargaarka bani’aadamnimada ee Ireland.

Waxaa lagu qiyaasey in 5.4 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo.

Gudaha dalka Soomaaliya waxaa waxaa ku barakacsan dad ku dhaw 2 milyan oo Soomaali ah, kuwaa oo u baahan gargar Bani’aadanimo.

Dowladda Ireland ay sheegtay bishii la soo dhaafay in daadadka ay sii xumeeyeen xaalad bani’aadamnimo ee ka taagan gudaha Soomaaliya,waxaana ku barakacay in ka badan 220,000 oo qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]