4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2018
Wararkii ugu danbeeyay xaalada fatahaadda magaalada Beledweyne

 

Sabti, May, 12, 2018 (HOL) –Waxaa sare u sii kacaya biyaha ka dhashay dadaadka ka dhashay roobka iyo fatahaadda Wabiga Shabeelle oo is biirsaday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Goob joogayaal Hiiraan Online la hadlay ayaa sheegay xowliga ay ku socdaan biyaha sababeen in ay gaaraan xaafaddo taariikhda marka dib loo eego fatahaaddii soo maray magaalada aysan horay u gaarin.

Inkastoo 90% qoysaskii ku noolaa xaafaddaha kala duwan ee Beledweyne goor horeba ka sii baxeen, ayaa dhinaca kale waxaa jira qoysas fara ku tiris ah oo wali ku dhax go’doonsan biyaha, kuwaa oo cabsiweyn ka qaba korarka biyaha iyo mowjadaha hirarka aan kala joogsiga laheyn oo ay daadadku wataan.

Deegaanka CeelJeelle oo ah halka ay deegaansadeen qoysaska ugu badan ee ka baxay magaalada ayaa laga soo sheegaya in ay ka jiraan daruufo adag oo dhinaca nolasha ah, gaar ahaan nadaafada oo ah mid aad u liidatay madaama aysan laheyn musqulo ama Suuli ahy dadku isticmaalaan.

Maamulka Hirshabeelle iyo kan gobolka Hiiraan ayaa ka dalbanaya dowladda federaalka iyo hay’addaha samafalka in si deg deg ah loo caawiyo dadka ku dhibaateysan magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]