3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2018
Mareykanka oo baaritaan ku sameynaya weerarkii dhawaan ka dhacay Bariirre

 

Sabti, May, 12, 2018 (HOL) –War ka soo baxay taliska militariga Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay baarayaan wararka ku saabsan in dad shacab ah lagu dilay weerar ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb galeen howlgal ay ciidamada Soomaaliya hoggaaminayeen oo lagu kala dhantaalay shabakad Al-Shabaab ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka Bulcida ee Soomaaliya, 9-kii May.

“Waxaa jira tuhun ku saabsan in dad shacab ah wax ku noqdeen waxaana warbixinnadan u qaadaneynaa si dhab ah. Waynu eegi doonaa akhbaaraadka ku saabsan dhacdadan, haddii aan helno in eedeymahan ay yihiin kuwa sax ah, waxaa taliska AFRICOM uu qaadi doonaa tallaabooyinka xiga ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasaaradda Gaashanadhigga Mareykanka ay ka go’an tahay inay ka hortagto halista argagixisada dunida, ayna taageeri doonto dalalka gobolka ee arrintana awoodda u leh. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in taliska AFRICOM uu ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom kula midoobay ka hortagga argagixisada.

Inkastoo waeerarka ka dhacay Bariirre lagu sheegay in uu bartilmaameedku ahaa Al-shabaab, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho oo soo gaaray dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/12/2018 3:36 PM EST
Sabti, May, 12, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta booqday Degmada Waaberi halkaas oo ay ka socotoy dardargelinta hawlaha dariseynta Gobolka Banaadir.

5/12/2018 12:51 PM EST
Sabti, May, 12, 2018 (HOL) –Fadhiggii ay maanta yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa ay Xildhibaanada Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha, waxaana Xildhibaanada u akhriyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

5/12/2018 11:29 AM EST
Sabti, May, 12, 2018 (HOL)–Ugu yaraan 13 ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in lagu dilay dagaal culus oo gobolka Hiiraan maanta ku dhaxmaray dad xoolo dhaqato ah iyo Al-shabaab.

5/12/2018 9:15 AM EST
Sabti, May, 12, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe kulan kula qaatay danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating.

5/12/2018 7:36 AM EST
Sabti, May, 12, 2018 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya magaalada Qabri-Dahare ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in halkaa ay ka jirto xiisad ka dhalatay gabar 20 sano jir ah oo meydkeeda la helay.

5/12/2018 4:52 AM EST
Sabti, May, 12, 2018 (HOL)–Dilkan oo gaar ahaan ka dhacay xaafadda Suuq yaraha ee degmada Dherkeenley ayaa waxaa fuliyay rag hubeysnaa bastoolado sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad agdhawaa halka uu falka dilka ah ka dhacay.

5/12/2018 3:32 AM EST
Sabti, May, 12, 2018 (HOL)–Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeynaya sharciga Shirkadaha dalka, waxaana ka mid hindise sharciyeedyada ay xukuumadda u soo gudbisay Baarlamaanka.

5/12/2018 2:52 AM EST
Sabti, May, 12, 2018 (HOL)–Dowlada Ireland ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan Dowladda Ireland € 3 Milyan oo wax looga qabanayo xaaladaha Bani’aadannimo ee Soomaaliya.

5/12/2018 2:30 AM EST
Sabti, May, 12, 2018 (HOL)–Shacabka ku dhaqan dalka Turkiga ayaa guud ahaan maanta u dareeraya codbixin doorashada Baarlamaanigga ah, markii ugu horeysay tan iyo markii dowladda ay ka guuleysatay in dalku ay ka sarto Daacish.

5/12/2018 2:11 AM EST
Sabti, May, 12, 2018 (HOL)–Madaafiic dhowr ah ayaa lagu waramayaa in subaxnimadii hore ee saakay Al-shabaab ku weerareen saldhiga Turkiga ee magaalada Muqdisho sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degan xaafaddaha ku dhaw dhaw saldhiga.

5/12/2018 1:57 AM EST
Sabti, May, 12, 2018 (HOL) –Waxaa sare u sii kacaya biyaha ka dhashay dadaadka ka dhashay roobka iyo fatahaada Wabiga Shabeelle oo is biirsaday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.