4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2018
Shirkadda Amaana oo deeq lacageed gaarsiisay qoysas ku barakacay fatahaada Beledweyne


Jimco, May, 11, 2018 (HOL) – Shirkadda Xawaallada Amaana xarunteeda gobolka Hiiraan ayaa maanta deeq lacageed gaarsiisay qaar ka mid ah qoysaskii ku barakacay Fatahaada ku dhufatay magaalada Beledweyne.

Madaxa shirkadda Amaanka ee gobolka Hiiraan Xassan Ibraahim Xalane ayaa Hiiraan Online u sheegay in shirkaddu ku yabooday deeq lacag oo dhan $ 125,000 oo dollar loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska ku dhibaateysan daafaha magaalada.

‘’Qoyskiiba waxaa la gaarsiiyay lacag dhan $ 50 dollar, qeybinta lacagtan oo soctay labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa tiradii ugu badneyd maanta la gaarsiiyay dadka u baahan ee intooda ku barakacay deegaanka Ceeljaalle.

Dadka ka faa’ideystay deeqdan ayaa sheegay in kaalmadan la soo gaarsiiyay waqti ay baahnaayeen, madaama dhinaca kale ay nagu soo fool leedahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Shirkada Amaana ayaa inta badan ka qeybqaata u gargaarida dadka dhibaateysan marka ay jiraan abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah sida fatahaadaha oo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]