4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2018
WHO oo ka hadashay fatahaada ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya

 

Jimco, May, 11, 2018 (HOL) – Ilaa 695,000 oo qof ayaa lagu qiysaasayaa dadka ku barakacay daadad ka dhashay Roobab lixaad leh oo sababay fatahaado ka dhacay Dalka Soomaaliya qaybo ka mid ah, sida ay sheegtay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Warka soo baxay WHO, ayaa sidoo kale lagu sheegay in maalmihii dhawaa oo kaliya ay guryahooda ka barakaceen ku dhawaad 215,000, Qof, daadad ka dhacay Gobollada Bakool, Banaadir, Baay, Hiiraan, Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Shabeellada dhexe.

Dadkan ayay hay’addu sheegtay inay si deg deg ah ugu baahn yihiin Hooy, Teendhooyin, adeeg Caafimaad,Cunno, Biyo nadiif ah, Musqulo, Mara Kaneecayaal iyo aalado kale oo ka saacidi kara nadaafadda.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale ka digtay goobaha ay fatahaadaha ka dhaceen iyo meelaha Biyo fariisiga leh inay ka dhashaan Cudurro ay ka mid yihiin, Daacuun Caloolaha, Duumada iyo xanuunno kale oo ay sababaan Biyaha wasakhaysan.

Iyadoo kaashaneysa wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya ayeey WHO dhawaan 30.1 Ton oo Dawo ah geysay Magaalooyinka Balad weyne, Baydhabo iyo Kismaayo oo ah goobaha ugu daray ee ay qayla dhaantu kasoo yeereyso, waxaana weli soconaya dedaallo gurmad oo dhan walba leh oo ay wadaan hay’adaha sama falka iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]