4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2018
Dowladda oo sheegtay in ay ku dileen Bariirre saraakiil ka tirsanaa ururka Al-shabaab

 

Jimco, May, 11, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn maalin ka hor ka dhacday deegaan hoos taga degmada Bariirre ee gobolka Shabeelaha hoose ku dileen saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay magacyada saraakiisha lagu dilay weerarka oo ay wada jir u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka.

Wuxuu sheegay Abaanduulaha in weerarkaa lagu dilay Saddex sarkaal oo muhiim u ahaa Al-shabaab kuwaa oo lagu kala magacaabi jiray Khalif Maxamed Warsame (Khaliif Cadale), Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Muuse Cali Gaabow.

Jen Caanood ayaa intaa ku daray n ciidamadu bur buriyeen saldhigyo dhowr ah oo ay halkaa ku lahaayeen Ururka Al-shabaab.

Laakiin dhinaca kale marka la eego waxaa soo baxaya warar sheegaya in dadka ku dhintay weerarka u badnaayeen dad rayid ah, kuwaa oo qaarkood meydadkooda la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Abaanduulaha ayaase sheegay in ay maqleen wararka ku saabsan duqeynta iyo weerarka in ay ku dhinteen dad rayid ah laakiin baaritaan arintaa ku saabsan la wado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]