3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2018
Jubbaland oo qaadacday ka qeyb-galka shirweeynaha Qaran ee Dastuurka


Jimco, May 11, 2018 (HOL) -Shirkan oo looga hadli doono dib u eegista Dastuurka, 13 bishan Maaj-na ka furmi doona Muqdiso ayay wasaaradda cadaaladda, dastuurka iyo arimaha Diinta Jubbaland shaacisay in aysan ka qeyb-gali doonin shirkaasi.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda, dastuurka iyo arimaha diinta Jubbaland Dr. Aadam Ibraahim Aw-xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi aysan ka qeybgali doonin.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo sababaha aysan shirkaasi uga qeybgaleyn.

Arrintan ayaa imaaneeysa ayadoo mudooyinkii u danbeeyay uu soo ifbaxayay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam oo dhawaan markii uu dib ugu soo laabtay Kismaayo qabtay shir jaraa'id ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan ixtiraamin dowlad goboleedyada, isagoo madaxda dowladda ugu baaqay in ay ilaaliyaan xuquuqda dastuuriga ah ee ay leeyihiin dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.














Click here
5/11/2018 11:29 AM EST
Jimco, May, 11, 2018 (HOL)–Shirkadda Xawaallada Amaana xarunteeda gobolka Hiiraan ayaa maanta deeq lacageed gaarsiisay qaar ka mid ah qoysaskii ku barakacay Fatahaada ku dhufatay magaalada Beledweyne.

5/11/2018 7:16 AM EST
Jimco, May, 11, 2018 (HOL)–Ilaa 695,000 oo qof ayaa lagu qiysaasayaa dadka ku barakacay daadad ka dhashay Roobab lixaad leh oo sababay fatahaado ka dhacay Dalka Soomaaliya qaybo ka mid ah, sida ay sheegtay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

5/11/2018 6:41 AM EST
Jimco, May, 11, 2018 (HOL) – Wasiirrada Amniga gudaha Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dilalka ka dhacay caasimada ee lagula kaco mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda iyo dadka rayidka, xili dhinaca kale ay nagu soo fool leedahay bisha Barakeysan ee Ramadaan.

5/11/2018 5:19 AM EST
Jimco, May, 11, 2018 (HOL)–Warar goor dhaw naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ruux ku dhinteen xaafadda Xaawo –Taako, gaar ahaan halka lagu magacaabo Buundo-Koowaad kaddib markii ay gadoontay Gagaf ay la socdeen dad isaga kala gooshayay magaalada oo mar kale ay daadad ku dhufteen.

5/11/2018 4:21 AM EST
Jimco, May, 11, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn maalin ka hor ka dhacday deegaan hoos taga degmada Bariirre ee gobolka Shabeelaha hoose ku dileen saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab.

5/11/2018 4:09 AM EST
Jimco, May, 11, 2018 (HOL)- Sarkaal ka tirsan nabad-sugida Soomaaliya ayaa faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar xalay lagu qaaday guriga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kaa oo lagu dilay ilaa Afar ruux.

5/11/2018 3:26 AM EST
Jimco, May 11, 2018 (HOL) -Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed...

5/11/2018 3:20 AM EST
Jimco, May 11, 2018 (HOL) -Kooxo hubeeysan ayaa masjid ku yaal magaalada Durban ee dalka koonfur Afrika toori ku dilay Imaam Masjid, ayagoo sidoo kale dhaawacyo u geeystay laba kale.