4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2018
Ra'iisal wasaare Kheyre oo booqday saldhigyada ciidamada Booliiska Soomaaliyeed


Jimco, May 11, 2018 (HOL) -Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kormeeray xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed,  guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakiisha Ammaanka iyo mas'uuliyiin kale.

Ra'iisal wasaare Kheyre waxaa uu halkaa ku arkay ciidan Boolis ah oo heegan ugu jira adkeynta Nabad gelyada.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa xarunta Booliska xalay waxaa ay ku qabteen shir jaraa’id oo ay uga hadleen howlaha ammaanka Muqdisho, iyaggoo ciidamada Ammaanka faray in gacan bir ah ay ku qabtaan  ammaanka, ayna u naxariistaan dadka shacabka ah.

C/salaan Nuur Diiriye, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.