4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2018
Madaxweynaha Hir-shabeelle oo madaxda dalka kala hadli doona arrimo ku saabsan caawinta dadka ay saameeyeen fatahaadaha
Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Mudane Max’ed Cabdi Waare, madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-shabeelle oo maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo ku saabsan sidii loo caawin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha la qaadan doona madaxda dowlad Soomaaliya iyo gudiga heer qaran ee gurmadka fatahaadaha.

Mudane Waare oo maanta markii uu gaaray Muqdisho warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saameynta fatahaadaha ay ku yeesheen deegaanada Hir-shabeelle n ay tahay mid baaxad leh islamarkaana shacab badan ay waxyeelo kasoo gaartay.

Waxa uu ka codsaday dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka in ay gurmad u fidiyaan dadka ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaadda webiga Shabeelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare  Ayaa Ka Mahad Celiyay  Doorka Dowlada Soomaaliya Ay ka Qadataay  Garab Istaaga iyo Caawinta Dadka ay saameeyeen fatahaadihii wabiga isagoona sheegay iney wadaan dadaalo looga gurmanayo deeganada sameynta weyn ay ku yeesheen Fatahaadda wabiga

Madaxweynaha ayaa mudadii uu ku sugnaa magaalada Baladweyne shacabka la qeybsaday dhibaatada ay fatahaaddu reebtay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.