4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2018
Baaq Nabadeed oo Waxgaradka iyo madaxda Dhaqaqanka Sool ay u direen Beelaha ku dagaalamaya Ceel-afweyn

gallery Khamiis, May 10, 2018 (HOL) - Madaxda dhaqanka, Cuqaal, waxgarad iyo Culimada ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya degaanada Ceel-afweyn iyo degaano u dhow, waxaanay ugu baaqeen in ay xabada joojiyaan,

Kulanka tacsida iyo baaqa lagu direyey oo ka dhacay duleedka magaalada Adhi-Cadeeye oo hilaada 30Km. waqooyi kaga quman magaalada Laascaanood ayaa waxa ay uga digeen in colaad sii socota aanay wax faaiido ah keeni doonin ee ay u tudhaan da'yartooda.

Suldaan Mustafe Maxamuud Aw Seed iyo Garaad C/laahi Maxed Guuleed ayaa waxa ay sheegeen in ay si dhaqso ah u imaanayaan degaanada colaadu ka jirto, iyagoo ugu baaqay in ay intaas ku joojiyaan oo aanay wax dagaal ahi meeshaas ka dhicin.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah madaxda gobolka Sool iyo kuwo xukuumada ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Duqa Magaalada Laascaanood, Gudoomiyaha Gobolka iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee arimaha Bulshada C/waaxid C/qaadir oo dhamaantood baaq iyo tacsi is raaciyey.

Goobta kulankan ka dhacay ayaa ahayd munaasibad meher oo loo qabtay  Suldaan Mustafe Aw Seed oo ka dhacaysey goob illaa laba kiiloomitir u jirta adhicadeeye.

Dhinaca kale waxaa laga soo sheehayaa goobihii colaaduhu ka dheceen xaalad bini-aadaninimo oo daran iyadoo ciidamo xoogleh la geeyey hadana waxaa la sheegayaa kumanaan qoys oo barakac xuni ku dhacay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]