3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2018
Ra’iisal Wasaaraha dalka oo kormeeray xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya
Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta dhexe maamulka hawada Soomaaliya, ayadoo raysul wasaaruhu ku kuurgalayay howlaha shaqo ee xaruntani.

Raysul wasaaraha dalka iyo xubnihii la socday waxaa xarunta maamulka hawada oo ku taal garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka wasaaradda duulista hawan Mudane Max’ed C/laahi Salaad (Oomaar).

Wasiirka ayaa wafdiga raysul wasaaraha warbixin ka siiyay adeegyada muhiimka ah ee ay xarunta qabato, isagoo howlwadeennada xarunta sheegay in ay howlo baaxad leh qabteen mudadii ay xarunta shaqeyneysay.

Raysul wasaare Khayre ayaa hadallo dhiirigelin ah u jeediyay maamulka iyo howlwadeennada kale ee xarunta, isagoo uga mahadceliyay howsha ay u hayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
5/10/2018 1:16 PM EST
Khamiis, May 10, 2018 (HOL) - Dabley hubaysan oo aan haybtooda la sheegin ayaa toogasho ku diley nin kalkaaliye caafimaad ah caawa fiidkii magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

5/10/2018 12:08 PM EST
Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Mudane Max’ed Cabdi Waare, madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-shabeelle oo maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo ku saabsan sidii loo caawin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha la qaadan doona madaxda dowlad Soomaaliya iyo gudiga heer qaran ee gurmadka fatahaadaha.

5/10/2018 11:38 AM EST
Khamiis, May 10, 2018 (HOL) - Madaxda dhaqanka, Cuqaal, waxgarad iyo Culimada ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya degaanada Ceel-afweyn iyo degaano u dhow, waxaanay ugu baaqeen in ay xabada joojiyaan,

5/10/2018 10:47 AM EST
Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Xafladda caleemo saarka gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Max'ed Mursal Sheekh ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayadoo ay ka qeybgaleen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo..

5/10/2018 9:41 AM EST
Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Goboleedka Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arimo ay kamid yihiin Amniga Puntland, Safarkii Madaxweynaha ee Isutagga Imaaraatka Carabta, Curashada Gu’ga, Saamaynta Abaaraha iyo Imtixaanaadka Dugsiyada sare iyo Dhexe ee Puntland.

5/10/2018 4:23 AM EST
Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Qabanqaabada munaasbadda caleemo saarka gudoomiyaha cusub ee golaha Shacabka Mudane Max’ed Mursal Sheekh ayaa ka socota magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

5/10/2018 4:16 AM EST
Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -In ka badan 20 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dad badan oo kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kadib markii uu jabsaday Biyo Xireenka “Patel Dam” oo ay ku keedsanaayeen biyo badan.

5/10/2018 3:00 AM EST
Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose 14 qof ayaa dhimatay kadib markii qarax uu ka dhacay suuq ku yaal magaaladaasi.

5/10/2018 1:30 AM EST
Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Isbaheysiga mucaaradka ee uu hogaamiyo raysul wasaarihii hore ee dalka Maleysiya Mahathir Mohamed ayaa ku guuleystay aqlabiyadda baarlamanka, guul la yaab leh oo kusoo idlaatay in laga adkaado isbaheysiga xisbiga talada dalkaasi hayay mudo 60 sano ah.