4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2018
Gudoomiyaha golaha shacabka oo lagu wado in la caleemo saaro maanta

Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Qabanqaabada munaasbadda caleemo saarka gudoomiyaha cusub ee golaha Shacabka Mudane Max’ed Mursal Sheekh ayaa ka socota magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Caleemo saarka gudoomiyaha ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan madaxda ugu sareeysa ee dalka, wufuud ka iman doonta beesha caalamka iyo xubnaha labada gole ee dowladda.

Gudoomiye Max’ed Mursal Sheekh ayaa xilka gudoomiyaha golaha shacabka loo doortay 30-kii bisha April, isagoo ka guuleystay musharixiin kale oo kula tartantay kursigaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.