4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2018
Faahfaahin ku saabsan weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Wanlaweyn

Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose 14 qof ayaa dhimatay kadib markii qarax uu ka dhacay suuq ku yaal magaaladaasi.

Qaraxan la rumeeysanyahay in uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa, kaa oo isku qarxiyay suuq aad u mashquul badan oo ku yaal degmadaasi.

C/fataax Xaaji Cabdulle, Gudoomiye kuxigeenka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Warbaahinta u sheegay in qofka fuliyay weerarka uu bartilmaadeedsaday suuq lagu iibiyo Qaadka, abaare 4-tii galabnimo ee shalay.

Weerarkan ayuu maamulka degmadaasi ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan Maleeyshiyaadka Al-shabaab.

 “Ismiidamiye ka tirsan Al-Shabaab ayaa suuqa qaadka isku qarxiyey, wuxuuna galaaftay noloshiisa iyo 14 qof oo kale, isaga oo dhaawacay in ka badan 15 kale” ayuu yiri Cabdifataax oo wareeysi siiyay idaacadda VOA.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarka oo kasoo baxay dhanka Maleeyshiyaadka Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.