4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2018
Xisbiga Mucaaradka Maleeyshiya oo ku guuleystay Doorooshin yaab leh oo dalkaasi ka dhacay

Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Isbaheysiga mucaaradka ee uu hogaamiyo raysul wasaarihii hore ee dalka Maleysiya Mahathir Mohamed ayaa ku guuleystay aqlabiyadda baarlamanka, guul la yaab leh oo kusoo idlaatay in laga adkaado isbaheysiga xisbiga talada dalkaasi hayay mudo 60 sano ah.

Mucaaradka ayaa ku guuleysatay 113 kursi, halka Xisbiga BN uu ka helay 79 kursi oo kamid ah 222 xubnood ee baarlamanka, sida laga soo xigtay natiijada rasmiga ah ee doorashadii Khamiista.

Doorashooyinkan ayaa ahaa kuwii ugu adkaa ee soo mara taariikhda dalkaasi, ayadoo hogaanka dalkaasi loo doortay Mahathir oo ay da’diisu tahay 92 sano jir, wuxuuna xilka kala wareegi doonaa raysul wasaarihii hore Najiib Razak, kaa oo lagu eedeeyay musuq-maasuq.
Muhathir ayaa sheegay in loo dhaarin doono hogaanka dalkaasi Khamiista nagu soo fool leh, isagoo noqonaya raysul wasaaraha ugu da’da weyn ee caalamka.

Taageerayaasha hogaanka cusub ee dalkaasi ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi oo ay kamid tahay magaalada Kuala-lambur, ayagoo sitay boorar ay ku xardhanaayeen sawirrada Raysul wasaaraha cusub ee calanka dalkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.