3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2018
Haweeney ka tirsaneyd shaqaalaha hay’adda WHO oo Muqdisho lagu dilay

 

Talaado, May, 01, 2018 (HOL) - Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir, gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa degmadaasi lagu dilay haweeneyn ka tirsaneyd hay’adda WHO.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Maryan Cabdulaahi Max’uud ayaa waxaa ay u shaqeyneysay hay’adda caafimaadka Aduunka Qaramada Midoobay ee WHO.

Goob-joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan haweeneydan ku dileen Boosteejada laga raaco Gaadiidka Baydhabo ee Suuqa Bakaaraha, kadibna waxaa halkaasi ka baxsaday raggii dilka geystay.

Meydka Marxuumada ayaa markii dambe waxaa meesha ka qaaday laamaha amniga, waxaana la geeyay xarunta dambi baarista ee CID, halkaas oo sawirro looga qaaday, si baaris loogu sameeyo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilka haweeneydan la sheegay in ay ka tirsaneyd hay’adda caafimaadka aduunka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/1/2018 10:22 AM EST
Talaado,, 01, May, 2018 (HOL)-Waxaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho cayaartooyedii xulka Qaranka Soomaaliya ee 17 sano jira uga qeybgalay tartanka Koobka CECAFA.

5/1/2018 9:58 AM EST
Talaado,, 01, May, 2018 (HOL)-Roobabka xilliga gu’ga ayaa ka curtay inta badan gobollada dalka, ayadoo roobabkani ay kusoo beegmeen mudo dheer oo ay dalka ka jireen abaaro iyo biyo la’aan ay ka cabanayeen xoolaleeyda iyo dadka ku nool miyiga fog ee qeybo ka tirsan gobollada dalka.

5/1/2018 7:17 AM EST
Talaado,, 01, May, 2018 (HOL)-Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Brusels ee dalka Belgium.

5/1/2018 5:07 AM EST
Talaado,, 01, May, 2018 (HOL) - Dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan Puntland waxaa ay magaalada Boosaaso ku qabteen kulankii ugu horreeyay ee looga arinsanayo sidii loogu gurman lahaa dadka iyo duunyada ku wax-yeeloobay fatahaada wabiga Shabbelle, kulanka oo ahaa mid si weyn looga soo qaybgalay ka qeyb-galay Maamulka iyo macalimiinta Jaamacadaha Puntland, Waxgaradka Gobolka Bari ,Ganacsato , Nabadoono, Saarakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

5/1/2018 2:24 AM EST
Talaado,, 01, May, 2018 (HOL)-Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay ayuu xalay qaatay roob weyn oo ka Da’ay magaaladda Hargeysa, taas oo sababtay geeridda hal qof, halka mid kalena la waayey nolol iyo geeri ka uu yahay.

5/1/2018 2:08 AM EST
Talaado,, 01, May, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in ka maamul ahaan siweyn uga xun yihiin daadadka ku rogmaday magaalada Beledweyne, isaga oo ku baaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay saameysay fatahaada.

5/1/2018 1:54 AM EST
Talaado,, 01, May, 2018 (HOL)–Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey uqaabilsan soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayaa hambalyo waxaa uu udiray afhayeenka cusub ee Golaha shacabka, kaa oo shalay Muqdisho lagu doortay.

5/1/2018 12:59 AM EST
Talaado,, 01, May, 2018 (HOL)–Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa la kulmay madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump.

5/1/2018 12:55 AM EST
Talaado,, 01, May, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay booqday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowladdu waddo qorshayaal looga hortagayo fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyo deegaannada uu ka maro dalka gaar ahaan magaalada Beledweyne.

5/1/2018 12:40 AM EST
Talaado,01, May, 2018 (HOL)–Ciidamada militariga Kenya ayaa ururka Al-shabaab ka soo furtay 13 dhalinyaro Kenyaan ah oo Tababaro ay ku siinayeen deegaanka Raas Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.