4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2018
Roobabka gu’ga ee ka curtay gobollada Jubooyinka oo sababay khasaarooyin kala duwan oo naf iyo maalba leh


Talaado,, 01, May, 2018 (HOL)-Roobabka xilliga gu’ga ayaa ka curtay inta badan gobollada dalka, ayadoo roobabkani ay kusoo beegmeen mudo dheer oo ay dalka ka jireen abaaro iyo biyo la’aan ay ka cabanayeen xoolaleeyda iyo dadka ku nool miyiga fog ee qeybo ka tirsan gobollada dalka.

Gobollada J/hoose, J/dhexe iyo Gedo ayaa kamid ah goobaha ay roobabku ku hooreen, waxaana inta badan magaalooyinka uu maro webiga Jubba ka dhacay fatahaado uu sameeyay webigu, kuwaa oo ay waxyeelo kasoo gaartay dadka beeraleeyda ah.

Degmooyinka Doolow, Luuq, Baardheere iyo Bu’aale ayaa kamid ah goobaha uu ku fatahay webiga, waxaana ku baaba’ay dalagyo ay beerteen dadka beeraleeyda ah.

Magaalada Kismaayo oo mudo ka badan 12 saacadood ka da’ayay roob waxaa saaka xayirmay isu socodkii dadka iyo gaadiidka qaar kamid ah xaafadaha magaalada, ayadoo wadooyinka muhiimka ah ay biyo dhigeen roobabku.

Daadad xooggan oo ka dhashay roobabka oo ku dhuftay goobaha ay daganyihiin dadka dadnyarta ah ayaa sababay dhimashada afar qof oo rayid ah, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland oo saaka isugu yimid shir deg-deg ah ayaa guddi heer wasiirro ah oo  ka kooban sagaal xubnood u saaray fatahaadaha webiga iyo daadadka ka dhashay roobabka.

Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan ayaa sheegay in guddigan ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ay waxyeelada kasoo gaareen fatahaadaha iyo daadadka ka dashay roobabkii da’ay.

Waxa uu xusay in arrinta gurmadka ay la kaashan doonaan shacabka, dowladda dhexe iyo beesha caalamka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.