4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo u ambabaxay magaalada Brusels ee dalka Belgium

 

Talaado,, 01, May, 2018 (HOL) - Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa maanta u ambabaxay magaalada Brusels ee dalka Belgium.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dalka Belgium -ka waxaa uu uga qeyb-geli doonaa shir looga hadlayo dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo sidoo amniga dalka ay kala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM.

Waxaa shirkaas soo qaban-qaabiyey dalalka deeqda bixiya, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan go’aano ku saabsan sidii loo tayeyn lahaa ciidamada xoogga dalka si ay amaanka dalka gacanta ugu dhigaan.

Kheyre ayaa ka hor safarkiisa Belgium waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay ciyaartooyda Xulka 17-jirada Soomaaliya ee dalka Burundi uga qeyb galay tartanka Bariga & Bartamaha Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]