4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2018
Boosaaso oo lagu qabtay kulan looga arinsanayay u gurmashada dadka ay fatahaadu saameysay ee Beledweyne


Talaado,, 01, May, 2018 (HOL) - Dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan Puntland waxaa ay magaalada Boosaaso ku qabteen kulankii ugu horreeyay ee looga arinsanayo sidii loogu gurman lahaa dadka iyo duunyada ku wax-yeeloobay fatahaada wabiga Shabbelle, kulanka oo ahaa mid si weyn looga soo qaybgalay ka qeyb-galay Maamulka iyo macalimiinta Jaamacadaha Puntland, Waxgaradka Gobolka Bari ,Ganacsato , Nabadoono, Saarakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland oo kulanka kahadlay waxaa ay fariin u direen dhaamaan ummada Soomaaliyeed taasi oo ku’aadan in loo istaago caawinta iyo garab istaaga dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha Puntland ayaa uga mahad celiyay dhalinyarada Isxilqaamayaashu sida ay marwalba ugu taaganyihiin u gurmashada ummada Soomaaliyeed, waxaa ay ku dhawaqeen dhankooda in ay garab istaagi doonaan walaalahooda dhibaateysan.

Caaqil Mursal Maxamed Cabdi oo ka mid ah Gudiga Agaasimka ee hay’adda daneeyayasha aan dowliga ahayn ee Puntland PUNSAA ayaa dhalinta iyo guud ahaan dowlada iyo shacabka cod dheer ugu yeeray in si gaar ah loo eego xaaladda fatahadda wabiga ee lasoo daristay walalaha Reer Hiiraan,waxaana uu hoga tusaleyey in dhaqalaha meelaha lagu bixiyo ee khayriga ay ka mid tahay dhacdadan oo kale.

Dhinca kale taliyaha ciidamada madaxtooyada Puntland Cabdirishiid Cabdiraxiim Ismaaciil (CAPTAN) ayaa isna waxaa uu bogaadiyay dadaalka ay wadaan dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland waxaana uu balan qaaday in ciidan ahaan ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada gurmadka lagu caawinayo dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Ugu danbeyn waxaa kulanka ka hadlay wax-garadkii iyo nabadoonadii ka qeybgalay munaasabada waxayna ay bulshada Puntland ka codsadeen in loo istaago kaqaybqadashada dhibatada baahsan ee lasoo daristay walalaha daadadku sameyeen ee fatahadda Wabiga Shabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]