4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2018
Cabdiwali Gaas: Waxaan codsaney in deg deg loogu gurmado dadka ay saameysay fatahaada Beledweyne

 

Talaado,, 01, May, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in ka maamul ahaan siweyn uga xun yihiin daadadka ku rogmaday magaalada Beledweyne, isaga oo ku baaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay saameysay fatahaada.

‘’Dabcan baaq ayaa u dirnay dowladda federaalka iyo hay’addaha ay arintan quseyso in si deg deg ah wax loola qabto bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan iyo guud ahaan reer Hirshabeele oo runtii saameyn weyn ay ku yeelatay fatahaadan’’ ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada baaq wada jir ah oo ay saareen uga dalbadeen beesha caalamka in dadka ku barakacay fatahaada lala gaaro kaalmo iyo gurmad deg deg ah, waxaana uu ku tilmaamay fatahaada ku dhufatay Beledweyne in ay tahay masiibo Bani’aadannimo ee aad u weyn.

Baaqa Cabdiwali Gaas ayaa imanaya xili maalintii shalay uu booqasho ku tagay magaalada Beledweyne madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeele, iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]