Talaado,, 01, May, 2018 (HOL) – Ergayga gaarka ah
ee Qaramada Midoobey uqaabilsan soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayaa
hambalyo waxaa uu udiray afhayeenka cusub ee Golaha shacabka, kaa oo shalay
Muqdisho lagu doortay.
Ambadr Keating ayaa sidoo kale ku amaanay xildhibaanada
Golaha shacabka qaabka daah-furnaanta leh ee ku guteen waajibkooda.
Dhanka kale Micheal Keating ayaa u mahad celiyay gudoomiyihii hore ee Barlaamanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari
kaa oo soo hogaaminayay Barlamaankii 9-aad iyo kan tobnaad ee xiligan shaqeeya.
Ambasador Keating ayaa kula darmaamay dhinacyada
hardanka siyaasadeed ee Soomaliya uu ka dhaxeeyo in ey had iyo jeer ilaaliyaan
sareenta sharciga, taana ay muhiim u tahay baraaraha iyo horu-usocdka umadda
soomaaliyeed.
Maalinimadii shalay aheed kadib muddo barlamaanka
shaqadiisu ey habac iyo jahawareer siyaasadeed ay gashay kadib waxaa la doortay
gudoomiye Maxamed Mursal Sh Cabdirahman oo dhawaan iska casilay xilka wasiirka
difaacca soomaaliya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]