4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 9 , 2018
Soomaaliya oo Pakistan la saxiixatay heshiis dhinaca Tiknoolajiyada ah

 

Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa kala saxiixday Is-fahan (MOU) kaasi oo ku saabsan sidii dowladda Pakistan ay Soomaaliya uga caawin lahayd dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka Teknoloojiyada, iyadoo munaasabadii heshiiska ay goob joog ka ahaayeen ra’iisul wasaaraha Pakistan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Soomaaliya waxaa heshiiskan u saxiisay Safiirka Soomaaliya ee Pakistan Danjire Khadija Mohamed Al-Makhzoumi halka dhanka pakistan uu heshiiska u saxiixay Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalkasi Shahid Khaqan.

Heshiiska ayaa la xiriira sidii dowladda Pakistan ay Soomaaliya uga caawin lahayd ilaalinta xuduudaha oo ay Pakistan ku tahay dalalka ugu horeeya, siinta aqoonsiyo muhiim u ah muwaadiniinta Soomaaliya oo la xiriira la socodkooda maadaama Soomaaliya lagu wado in u ka dhaco doorasho hal qof iyo hal cod ah.

“Heshiiska nuxurkiisa waxaa uu ahaa in dowladda Pakistan ay Soomaaliya ka caawiso dhinaca ID-Card muwaadiniinta iyo hubinta macluumaadka muwaadiniinta, waxaana dowladda Soomaaliya uu ka caawinayaa xalinta iyo la socodka dadka muwaadiniinta ah”

Heshiiska ayaa lagu tilmaamay mid wax weyn ka tari doona ilaalinta xudduudaha iyo waliba aqoonsiyad muwaadinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]