4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 9 , 2018
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeybgalaya dalka India

 

Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ugu anbabaxay dalka India, halkaasi oo ay uga qeyb galayaan shir caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysiga Khayraadka Tamarta dabiiciga ah.

Wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka waxaa ka mid ah xubno ka kala tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda arrimaha dibedda.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa magaalada New Delhi ee Dalkaasi India uga qayb galaya shir caalami ah oo looga hadlayo ka faa’iidaysiga Tamarta cadceeda, kaas oo ay wada jir u soo agaasimeen dalalka Hindiya iyo France.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo sii maray magaalaada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaasi kula kulmay danjiraha India ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca horumarka.

Wuxuu ra’iisul wasaare ku-xigeenka uu u sheegay safiirada in Soomaaliya xilligan ay tahay dal nabdoon oo xasiloon, kana soo kabanaya colaado sokeeye iyo mid Argagixiso.

“Dunida xilligan waxa ay ku soo hiran kartaa Soomaaliya, xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre waxaa ka go’an xoojinta dhanka Amniga iyo Iskaashiga, si loo gaaro horumaro ballaaran” ayuu yiri ra’iisal wasaare ku-xigeenka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]