4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 9 , 2018
Dad loo qabtay dil xalay ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir

 

Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL ) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigeen dad looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilkii xalay ka dhacay Xamar Weyne.

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo uu wehliyay Taliyaha Booliska Jen. Bashiir ayaa xalay saqdii dhexe kormeero ku kala bixiyay Isgoysyada ay ciidamada ammaanka ka sugnaa amniga Caasimadda, isagoo bogaadiyay sida howsha u socoto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay si degdeg uga jawaabeen falkii xalay ka dhacay Xamar weyne oo qof ganacsade ah lagu dilay, isla markaana ay baaris ku socoto dad loo soo qabtay dilkaas.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay diyaarsan yihiin sugida amniga guud ahaan caasimada.

Degmada Xamar Weyne ayaa ka mid ah degmooyinka ugu amniga badan caasimadda, hase ahaatee waxaa muddooyinkan ku soo badanayay dilal loo geysanayay dhalinyaro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]