6/21/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 9 , 2018
Hay’adda Isgaarsiinta oo lagu wareejiyay Astaanta Qaranka ee Internetka


 

Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay’ad ka madax banaan Dowladda, balse wixii hadda ka dambeeya lagu soo wareejiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo mas’uul ka ah maamulka Astaanta qaranka sida uu qorayo qodobka 54aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Qeybta hore ee Wareejinta ayaa ahayd heshiis 7dii Maarso 2018 dhex maray hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadda Cloud Registry oo adeegyo farsamo siisa astaanta qaranka, halka qeybta dambe ee xil-wareejinta ay sameeyeen maamulkii hore ee SONIC oo ahy’ad ahaan ay si buuxda ay ula wareegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Agaasimihii hore ee SONIC, C/casiis Xuseen Cumar, oo xilkaas iska casilay, mas’uuliyaddana ku wareejiyey Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu muddo adeeggan u soo hayay dalka, ugu dambeyntiina uu mas’uuliyaddaas ku soo celiyo dowladda.

Maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in sharciga isgaarsiintu uu qorayo in furaha taleefoonka (252) iyo astaanta internetka (dotSO) ay yihiin hanti qaran oo ay qasab tahay in ay ku soo noqdaan gacanta dawladda, waxayna tallaabo billow ah u tahay in hantidii Qaranka ee dhinaca isgaarsiinta iyo Internetka dib loogu soo celiyo gacanta dawladda, isaga oo sidoo kale ugu mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda waqtiga badan ee uu geliyey sidii ay u suurtogeli lahayd wareejintan.

Waxaa munaasabadda xil-wareejinta iyo wada-hadalladii saxiixa heshiiska goobjoogba ka ahaa Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Sheekh Nuur Maxamed, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, iyo wakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, oo heshiiska u kala qaabilsanaa hubinta sharciga iyo xisaabaadka, waxayna gebogebo u ahayd hannaan soo socday muddo 10 bilood ah oo uu billaabay wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 15-kii Abriil, 2017, laba toddobaad ka dib markii uu xilka la wareegay, markaas oo la saxiixay Is-afgarad hor-dhac ah oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada.

 

“Maanta waa maalin kale oo guul u ah Wasaaradda, Xukuumadda, iyo Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, inkastoo aan anigu hoggaaminta lahaa, haddana guusha laga gaaray arintan waxaa ka qeyb qaatay dad badan oo aan u mahadcelinayo gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha oo kalsooni iyo taageeraba nagu siiyay arrintaan illaa maalintii aan u istaagnay, waxa ayna ka mid ahayd arrimaha mudnaanta u leh Wasaaradda, oo aan ka shaqo billawnay 2 toddobaad kadib markii aan xilka la wareegnay” ayuu yiri Mudane Eng. Cabdi Cashuur .

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa hormuud ka ahaa ansixinta sharciga isgaarsiinta oo muddo 12 sano ah qabyo ahaa. Sidoo kale wuxuu waqti badan geliyey in astaanta qaranka (dotSO) lagu soo wareejiyo gacanta dawladda, arrintaas oo iyaduna muddo sanooyin ah soo jiitameysay oo aan wax guul ah laga gaarin wixii ka horreeyay 8da Maarso 2018.

Waxaa dhowaan Muqdisho lagu qaban doonaa munaasabad lagu soo bandhigi doono sida adeeggan ay uga faa’iideysan doonaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo qorshe cusub ee lagu horumarinayo oo muddo laga soo shaqeynayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
3/9/2018 2:01 PM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa kala saxiixday Is-fahan (MOU) kaasi oo ku saabsan sidii dowladda Pakistan ay Soomaaliya uga caawin lahayd dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka Teknoloojiyada, iyadoo munaasabadii heshiiska ay goob joog ka ahaayeen ra’iisul wasaaraha Pakistan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha.

3/9/2018 9:23 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) - Madaxwaynaha dalka Kenya iyo hogaamiyaha mucaaradka ayaa balanqaaday in ay bilaabayaan geedi socod dib u heshiisiin ka dib doorashadii sida kulul loogu tartamay sanaddii aanu soo dhaafnay.

3/9/2018 7:24 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ugu anbabaxay dalka India, halkaasi oo ay uga qeyb galayaan shir caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysiga Khayraadka Tamarta dabiiciga ah.

3/9/2018 7:01 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL)–Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere) oo khudbad ka jeedinayay xafladdii dabaaldegga maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso ayaa ku amray shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa xawilaadaha in ay shaqaaleeysiiyaan dumarka.

3/9/2018 4:23 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL)-Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigeen dad looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilkii xalay ka dhacay Xamar Weyne.

3/9/2018 2:07 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaasi ku qaabbilay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqasho ku tagay Johwar.

3/9/2018 1:08 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL)–Iyadoo uu soo ifbaxayo khilaaf soo kala dhaxgalay dowladdaha Soomaaliya iyo shirkadda DP World ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay qoraal Ashtako ah dirtay Ururka Jaamacada Carabta.

3/9/2018 12:47 AM EST
Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL)-Dawladda Maraykanka ayaa Liiska Argagixisada ku dartay Laba xubnood oo kale oo ka tirsan taliyayaasha Ururka Al-Shabab.