Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL ) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle
Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaasi ku qaabbilay
Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqasho ku tagay Johwar.
Waxanay Labada dhinac ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin wax ka
qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle oo ugu horeyso Abaarta iyo sidii ay uga
qeyb qaadan lahaayeen QM horumarinta iyo dib u dhiska Hirshabelle.
Saraakiishani Ka Socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa hogaaminayay madaxa
Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin, Waxaana Madaxweynaha kulanka ku
wehlinayay wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle,wasiir ku-xigeenka Amniga, saraakiil
ka tirsan ciidamada Ammaanka, iyo la tiliyeyaal Sare.
Madaxweyne dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka
dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha uu qabto xafiiska Qaramada Midoobay ee
Hirshabeelle madaxa xafiiskaasi Benjamin.
Wuxuuna Mr; Benjamin, u faah faahiyay howlaha ay ka qabtaan Hirshabelle iyo
waxyaabaha horyaalla in ay wax ka qabtaan sida caawimaadda dadka ay
abaartu saameysay, horumarinta Kaabayaasha dowladda, dib u dhiska
degaannada Hirshabeelle, arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.
Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka
hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala
dhexeeya hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala
shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, islamarkaana looga jawaabi lahaa
baahiyaha deg-dega ee soo food saara bulshada Hirshabelle, waxaana uu ka
dalbaday in looga fadhiyo in ay ka jawaabaan Abaarta ka jirta deegaannada
Hirshabeelle islamarkaana ay caawiyaan dadka ay saameysay abaarta oo ay ugu
darantahay biyo la’aanta.
Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim
ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina
looga baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta mashaariic horumarineed oo
ay u soo gudbin doonto dowladda Hirshabelle, waxaana ay balan-qaadeen
saraakiishaasi fulinta wax-yaabaha uu ka hadlay madaxweynaha.
Kulankan ayaa qeyb ka dadaalada madaxweynaha Hirshabeelle uu ku doonayo
horumarinta Dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyadoo mudada uu joogo madaxweynaha
la qabtay howla badan oo muhiim u ah heykalka dowladnimo ayna bilowdeen
mashaariicyo horumarineed taasi oo ay soo dhoweeyeen Bulshada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]