4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 9 , 2018
Jaamacada Carabta oo ka hadashay khilaafka dowladda federaalka iyo shirkadda DP World

 

Jimco, Maarso, 09, 2018 (HOL) –Iyadoo uu soo ifbaxayo khilaaf soo kala dhaxgalay dowladdaha Soomaaliya iyo  shirkadda DP World ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay qoraal Ashtako ah dirtay  Ururka Jaamacada Carabta.

Dowlada federaalka ayaa ayaak u tilmaamtay heshiiskii dhawaan lagu qeybsaday saamiga dekedda Berbera mid sharci darro ah oo aan loo marin dariiqii saxda ahaa iyo hay’addaha dastuuriga ah ee dalka.

Bayaan ka soo baxay Jaamacada Carabta oo ka koobnaa Afar qodob ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo dhoweeyay Wadahadalkii kol hore u bilowday dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland, waxayna ku boorisay labada dhinac in ay sii wadaan si xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya.

Jaamacada Carabta ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay iney taageersan tahay howlgalada ay Somalia ka wadaan ciidamada Midowga Afrika ee dowlada federaalka ka taageeraya dhinaca soo celinta nabada & xasiloonida Soomaliya.

“Xuduudaha Dhulka, cirka iyo badda Somalia waxaa ka masuul ah dowlada federaalka, Ururka Jaamacada Carabtuna wuxuu ka digaya in fara gelin lagu sameeyo arrimaha Somalia nooc kasta oo ay tahay” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in uu sii wadayo taageerada uu siiyo heyadaha dastruuriga ah ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Nabadgelyada iyo dib u dhiska dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]