4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 8 , 2018
Xuska maalinta haweenka oo lagu qabtay Kismaayo [Sawirro]


Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL)-Munaasbaddan oo lagu xusayay maalinta caalamig aah ee Haweenka oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen wasaaradda haweenka iyo ururrada haweenka Jubbaland ayaa lagu qabtay Hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo.

Haweenkii ka qeybqaadanayay munaasbadda ayaa socod kusoo maray qaar kamid ah wadooyinka Kismaayo, ayagoo sitay calanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo kan dowlad goboleedka Jubbaland.

Xafladda dabaaldegga maalinta haweenka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Jubbaland, haween iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Kismaayo.

Masuuliyiinta ururrada haweenka Jubbaland oo madasha hadallo ka jeediyay ayaa ka codsaday madaxda in aysan iska indho tirin doorka haweenka ee dhanacyada siyaasadda iyo arimaha bulshada, ayagoo codsaday in haweenka laga qeybgaliyo siyaasadda iyo howlaha kale ee dowliga ah.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubbaland oo munaasbadda ka hadashay ayaa ku ammaantay haweenka Jubbaland doorka ay ka qaataan nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayadoo ku boorisay dumarka in ay u istaagaan sidii ay uga dhex muuqan lahaayeen bulshada islamarkaana ku heli lahaayeen waxyaalaha ay xaqa u leeyihiin ee ka maqan.

Ku simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud Lugadheere oo madasha ka hadlay ayaa kula dardaarmay haweenka reer Jubbaland in ay ka fogaadaan khilaafka islamarkaana ka shaqeeyaan sidii ay u midoobi lahaayeen ugana qeybqaadan lahaayeen nabadda iyo horumarka la doonayo in dalka laga hirgeliyo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.