Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Shirkan oo maalmihii u danbeeyey u soconayey beesha degta
Koonfurta iyo Galbeedka degmada Laas-caanood ayaa waxaa isugu yimi siyaasiyiin
mabbaadii kala duwan wata, iyadoo uu ka mid ahaa Prof. Cali Khaliif Galayr, madaxweynihii
Khaatumo ee heshiiska la furay Somaliland.
Shirkan oo laba qodob
gogol dhig u ahaayeen oo kala ah go'aan ka qaadashada wadahadala Khaatumo iyo
Somaliland iyo sidii wax looga qaban lahaa xoolo fara-badan oo beesha lagu
xukumay dagaalo badan oo ay galeen.
Qodobadii ay so saareen
ayaa waxaa ka mid ahaa Sudan:-
1: In Beeshu ay kala mid
tahay Beelaha Dhulbahante Taageerida Wadahalada Nabaded ee u socda Somaliland iyo
Khaatumo .
2:In La Xoojiyo Nabada
iyo Adkaynta Midnimada .
3: In la dhowro
Deegaanka iyo Isticmaaalka dhulka .
4:In la horumariyo
ganasiga iyo Maalgashiga .
5:In Midnimada iyo
Wadajirka Beesha La ilaaliyo .
6 :In la dhawro Xeerarka
iyo Heshiisyada beelaha ay la gashay beesha ay dhawrto .
7:Beeshu waxay soo
dhawaynaysaa wadajirka iyo Midnimada Beelwaynta Dhulbahante .
8: Beeshu Waxay baaq
nabadeed u diraysaa Walaalaha shaqaaqada Cusubi ku dhexmartey deegaanada
GOCAN-DHAALE iyo Horufadhi ee gobolka Cayn .
9:Beeshu waxay isla
garatay in laga fogaado wax kasta oo u keeni kara nabada gelyo xumo iwm .
10:Beeshu Waxay isku
raacday in la adkeeyo oo la dhamaystiro Heshiisyadii Nabadeed ee ay la gashay
Beelaha Cabdi Garaad
iyo Cumar Maxamuud.
11: Beeshu waxay soo
dhawanyasaa Nabad gelyo iyo wanaag ka dhacda dhamaan geeska Africa .
12:In ay Beeshu iska bixiso
Magaha lagu leeyahay mudadii lagu heshiiyey si loo ilaaliyo wada noolaanshaha
iyo nabada .
Si kastaba ha ahaatee
qodobka koowaad oo ah ka shirka ugu muhiimsanaa ayaa dhaliyey muran goobaha
xanshashaqa maadaama uu yahay mid hadoodilan aan si cad u qeexin go'aanka, in
kasta oo loo badinayo in ay tahay halkii madaxda dhaqanku mareen taas oo Prof
Galayr ka dhigaysa in uu cadhuuftiisa dib uga leqo hadaan qaab kale loogu
sharixin.
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G.
Sool.
[email protected]