4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 8 , 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo la kulmay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka

 

Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka David Malpass , kulanka oo saacad iyo wax ka badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diirada ku saaray horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, xoojinta doorka Mareykanka ee caawimaadda Soomaaliya, dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Argagixisada.

‘’Wada hadalka aan la yeeshay kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka waxa uu ahaa mid jawi wanaagsan ku soo dhamaaday, ujeedka wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa caawimadda Soomaaliya, sidoo kale waxaa jiray kulamo kale oo aan la yeeshay mas’uuliyiinta dalkan,’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa magaalada Washington ee dalka Maraykanka uga qeyb galay shirka (Forum Fragility 2018) oo looga hadlay Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirkaasi caalamiga ah kaga jawaabay su’aalo la xiriiray talaabooyinka ay xukuumadiisu ka qaaday soo celinta xasiloonida dalka, la dagaalanka saboolnimada, musuqa iyo hagaajinta hanaanka maamulka dhaqaalaha dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]