3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 8 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir

 

Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan albaabada u xirnaa la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuxigeenadiisa, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha ayaa guddoomiyayaasha gobolka Banaadir kala hadlay arrimo la xiriira Amniga guud gobolka Banaadir iyo sidii guddoomiyeyaasha degmooyinka ay u qaadan lahaayeen doorkooda sugida amniga degmada ay madaxda u yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday guddoomiyeyaasha degmooyinka inay xil weyn iska saaraan waajibaadkooda, isla markaana cid walba lagula xisaabtami doono howsha ay heyso.

Waxaa uu ku wargeliyay inay la shaqeeyaan Taliyeyaasha ciidamada xasilinta, si ay uga qeyb qaataan howl galada amniga caasimadda lagu sugayo.

Sidoo kale warar qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ay ugu laab-qaboojiyeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka in shaqadooda ka soo baxaan, isla markaana meesha ka saaray wararka maalmahan suuqa soo galay ee ku aadan in xilalka laga qaadayo.

Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa qeyb ka ahaa kulamo uu maalmihii la soo dhaafay uu Madaxweynaha la qaadanayay Taliyeyaasha ciidamada iyo laamaha amniga oo looga hadlayay arrimaha xasilinta Caasimadda oo todobaadyo ka hor dilal iyo qaraxyo ay ka dhaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/8/2018 2:50 PM EST
Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan caawa ku toogteen xaafadda Kootka Ganacsade siweyn looga garanayay degmada.

3/8/2018 7:58 AM EST
Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay xukuumadda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay dagaal uu ku soo qaaday Somaliland.

3/8/2018 6:32 AM EST
Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL)-Munaasbaddan oo lagu xusayay maalinta caalamig aah ee Haweenka oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen wasaaradda haweenka iyo ururrada haweenka Jubbaland ayaa lagu qabtay Hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo.

3/8/2018 6:02 AM EST
Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL)-Shirkan oo maalmihii u danbeeyey u soconayey beesha degta Koonfurta iyo Galbeedka degmada Laas-caanood ayaa waxaa isugu yimi siyaasiyiin mabbaadii kala duwan wata, iyadoo uu ka mid ahaa Prof. Cali Khaliif Galayr, madaxweynihii Khaatumo ee heshiiska la furay Somaliland.

3/8/2018 5:25 AM EST
Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka David Malpass , kulanka oo saacad iyo wax ka badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan.

3/8/2018 3:04 AM EST
Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Xilli ay maanta ku beegantahay Maalinta Caalamiga ee Haweenka ayaa Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya uu haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay hiigsanayaan islamarkaana sannadihii u dambeeyay ka gaareen dhinacyada horumarka gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxuuna sidoo kale ku bogaadiyay kaalinta siman ee ay haweenku ka qaataan horumarinta iyo wadajirka bulsho Soomaaliyeed.

3/8/2018 3:00 AM EST
Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Ciyaaryahanka caanka ah ee kubbadda cagta ee dalka Talyaaniga Mario Balotello ayaa dhaleeceyn usoo jeediyay nin xildhibaan ah oo madoow ah, kaas oo loo doortay Aqalka Sare ee Talyaaniga, kuna soo baxay xisbiga kasoo horjeeda dadka soogalootiga ah ee Lega.

3/8/2018 1:26 AM EST
Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL)- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya ayaa amaro cusub ku soo rogay shirkadaha duulimaadyada ee ka howl gala Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

3/8/2018 1:20 AM EST
Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL)-Dalka Talyaaniga waxaa la tiriyay codbixinta doorashada baarlamaaniga, iyadoo natiijadeedda ay u muuqaata in xisbiyadda ay ku kala sareeyaan.

3/8/2018 1:12 AM EST
Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL)-Iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada Al-shabaab ay ka geysanayaan gobolka Shabeellaha Hoose, ayuu sheegay maamulka Koonfur Galbeed in Amniga gobolka loo tababarayo ciidamo gaaraya 2, 500 oo Askari.

3/8/2018 1:00 AM EST
Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Wasiirada Arrimaha Dibadda Dowladaha Carabta oo shir ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa waxa ay ka hadleen arrimaha ka taagan qaar ka mid ah dalalka Carabta, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay xiisadaha ka taagan dalalka Syria, Ciraaq, Falastiin, Libya iyo Soomaaliya.