4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 8 , 2018
Xisbiga Silvia Berlusconi oo ku horeeyo Codadkii la tiriayay ee doorashada Baarlamaanka Talyaaniga

 

Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Dalka Talyaaniga waxaa la tiriyay codbixinta doorashada baarlamaaniga, iyadoo natiijadeedda ay u muuqaata in xisbiyadda ay ku kala sareeyaan.

Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa muujinayaa in Kuraasta ugu badan uu ku guuleystey Xisbiga loo yaqaano Leegada oo ay ku Midoobeen Xisbiyo badan.

Sidoo kalena uu ku jiro Silvia Berlusconi oo ahaa Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi,haatana ah siyaasi galangal adag ku leh siyaasadda dalka Talyaanigai.

Arrinta sida weyn la iskula dhexqaadayo ayaa ah in markii ugu horeysay uu mid ka mid ah xisbiyada dalkaasi u soo galey xubin baarlaamkaanka ka mid ah nin Madow ah oo asal ahaan ka soo jeedo dalka Nigeria, balse in muddo ah dalkaasi kunoolaa.

Mid ka mid ah xisbiyada tartamaya oo dhanka Koonfureed ah ayaa heley 33% kadib markii ay sameeyeen balanqaadyo ah in lacago dhan 840 EURO ah la siin doono qofkasta muwaadin ah oo aan shaqeynin,halkua xisbiyo kale oo iyana isbahaysi ah oo lagu magacaabo Leegada uuna ka mid yahay ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Silvia Berlusconi ay heleen 37% codadkii la tiriyay,kuwaasi iyana balanqaaday in ay canshuur dhimis sameyndoonaan,taasi oo keentay in ay u codeeyaan dhamaad ganacsatada Dalkaasi.

Hadal haynta ugu badan ee Warbaahinta Dalkaasi ayaa ah in nin Madow ah oo asal ahaan ka soo jeedo dalka Nigeria uu kamid yahay tartankaasi Xisbiyada doorashada Baarlamaaniga ah,taariikh ahaan waxaa uu joogay dalkaasi 40 sano,waxaa u dhaxda haweeney Talyaani ah,waana 62 sano jir waxbarashada Heer Sare ka gaaray ahna Ganacsada Caan ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]