4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 8 , 2018
Wasiirro arrimo Dibiddeedka Jaamacada Carabta oo ku shiray Qaahira

 

Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Wasiirada Arrimaha Dibadda Dowladaha Carabta oo shir ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa waxa ay ka hadleen arrimaha ka taagan qaar ka mid ah dalalka Carabta, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay xiisadaha ka taagan dalalka Syria, Ciraaq, Falastiin, Libya iyo Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed oo kulanka furay ayaa ku dheeraaday qadiyadda Falastiin, wuxuuna tilmaamay in Qudus aanan loo aqoonsan karin caasimadda Dowladda Israa’iil.

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Afrika iyo Dowladda Sacuudiga Axmed Al-qadaan oo shir guddoominayay kulanka ayaa si adag u cambaareeyay waxa uu ugu yeeray faragelinta Dowladda Iiraan ay ku heyso Dowladaha Carabta.

“Faragelinta Dowladda Iiraan ay ku heyso degaanada Carabta waxa uu noqday mid aad looga caroodo, ma ahan wax laga aamusi karo, hadaba hadii aynu nahay Dowladda Sacuudiga, waxaan si adag u cambaareyneynaa faragelinta Dowladda Iiraan.” ayuu yiri Axmed Al-qadaan.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa sheegay shirkan in diirada lagu saaray horumarka dalka Soomaaliya, Nabadgelyada Sudan, Faragelinta Iiraan ee dalalka Carabta iyo arrimo kale.

War-murtiyeed ka soo baxay kulanka Wasiirada Jaamacadda Carabta ayaa si adag loogu Cambaareeyay fara-gelinta Dowladda Iiraan gaar ahaan taageerada ay siiso Maleeshiyada Xuutiyiinta, sidoo kale waxa ay xubnahan si weyn u diideen sida Dowladda Mareykanka ay magaalada Qudus ugu aqoonsatay caasimadda Israa’iil.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]