3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 3 , 2018
Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay hadal ka soo baxay dawlada Soomaaliya

 

Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) -Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland C/raxmaan Guri barwaaqo, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo ka hor yimid heshiishka saddex geesoodka ah ee Somaliland, Itoobiya iyo DP Wolrd ee lagu maalgalinayo dekadda Berbera.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in markii heshiishkani dhacayey uu Ra’isal wasaaraha Soomaaliya uu joogay Imaaraadka Carabta,isla markaana uu caalamku ogyahay in Somaliland dib ugala soo noqotay midnimadii Soomaaliya ay la gashay lixdankii.

“ Soomaaliya waxay soo saartay war-saxaafadeed ay kaga soo horjeedo heshiishkii sadex geesoodka ahaa ee ay kala saxeexdeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya, waxaanu war-saxaafadeedkaasi ahaa mid is burinaya, waxaanu isku burinaya sida hoos ku cad, qodobka kuwaad waxa lagu sheegay in DP World iyo Itoobiya heshiish wada galeen, taasi oo dhabta aad uga fog, qodobka 2aad waxa lagu cadeeyey in Somaliland, Itoobiya iyo Dp World heshiish wada galeen, iyadoo markii hore is diidsiinayey inay xusaan jiritaanka darafka Somaliland, qodobka 3aad ayaandaro waxa ku cad inay is diidsiiyaan inaynu ahayn laba dal oo midoobay 1960-kii, kalana kala baxay 1991kii, taasi oo ah gef iyo gardaro badheedh ah, oo qaranka Somaliland lagula kacay”ayuu yidhi Guri Barwaaqo oo u jawaabayey Soomaaliya.

Waxaanu intaas ku daray “ Dastuurka ay sheegeena waa mid iyaga u gaar ah, sidaasi awgeed waxaanu madaxda dawladda Soomaaliya xasuusinayna in Somaliland leedahay dastuur, taas oo ay ku dhaqanto dadkeeduna u codeeyeen 97% .”

Wasiirku wuxuu sheegay in Dastuurka Somaliland u fasaxayo inay heshiish la gali karaan cidey doonaan, waxaanu sheegay in Soomaaliya ka hor timid heshiishkii Somaliland iyo SOomaaliya dhexmaray ee ahaa in aan la siyaasadeyn mashaariicda horumarineed ee labadda dhinac.

“madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxay bishii December, 2014-kii magaalda Jabuuti ku heshiiyeen in aan la siyaasadayn heshiishyada mashaariicda lagu horumarinayo gobolada Geeska Afrika, sidaa darteed heshiishkana maaha heshiish cusub ee waa dhamaystirka heshiishkii bishii August, 2016 ay Somaliland iyo shirkadda DP Wolrd wadda galeen ee Baarlamaankeenu ansixiyey.”ayuu yidhi

Wasiirku wuxuu tilmaamay in markii heshiishkan saddex geesoodka la saxeexayey uu magaaladda ku sugnaa Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo aan waxba laga waydiin, waxaanu yidhi “Inkastoo SOmaliland aan la aqoonsan hadana lama diidi karo xaqiiqada jirta ee ah in aduun weynuhu ka war qabo in dadweynaha reer Somaliland ay dawladnimadoodii la soo noqdeen, waxaana marag ugu fulan in Ra’isal wasaaraha Xasan KHayre oo jooga dalka Imaaraadka Carabta in heshiish dawladeed hortiisa lagula saxeexday Jamhuuriyada Somaliland.Inta uu riyada Soomaali weyn ka hadlayo waxa ka haboon inuu midooyo degmooyinka magaaladda Muqdisho ee aanu maamulin.”.

Sidoo kale,waxa iyaguna maanta ka hadlay Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanu sheegay inay khalad tahay in Arrimaha Somaliland uu ka hadlo,isla markaana aanay cidna ka ogolaan diinin in la hor istaago horumarinta Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
3/3/2018 8:32 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) -Dadkan maanta u fariistay Imtixaanka ayaa isugu jira rag iyo dumar, kuwaa oo u tartami doona boosaska shaqaale gaaraya 10 qof oo ay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya qorsheeyneyso in ay tababar ugu dirto dalka Turkiga si ay usoo qaataan tababarro ku saabsan duulista hawada.

3/3/2018 6:22 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL)-Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa booqasho ku kala bixin doona dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, si uu u xoojiyo cilaaqaadka iyo iskaashiga Mareykanka la leeyahay Afrika.

3/3/2018 4:06 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degmada.

3/3/2018 3:48 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL)–Saraakiisha gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidamada Kenya in ay burburiyeen xaruntii Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase oo qiyaastii 60KM u jira degmada Ceelwaaq.

3/3/2018 3:08 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) -Tartankan oo ay iska kaashadeen wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubbaland iyo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan badbaadada carruurta ee (Save The Children) ayaa waxaa ku loolamaya ilaa 14 Iskuul oo kamid ah iskuulaadka sare ee Kismaayo.

3/3/2018 12:59 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM).

3/3/2018 12:49 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL)-Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in ku dhawaad 5 Askari looga dilay weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

3/3/2018 12:38 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay dhowaan magaalada Muqdisho in ay ka bilaaban doonaan Howlgallo culus oo ammaanka lagu sugayo.

3/3/2018 12:27 AM EST
Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) - Shirka Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay 2-da Maarso 2018 magaalada Kampala ee Uganda, waxaana martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni.