4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 25, 2018
Dibadbax looga soo horjeedaan Darbiga ay Kenya ka dhiseeyso Xuduudda oo ka dhacay Garbahaareey


Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL)-Dibadbaxan oo ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ururrada haweenka, dhalinyarada, ardeyda iyo masuuliyiinta maamulka degmadaasi ayaa dadkii ka qeybqaadanayay waxay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay uga soo horjeedaan darbi ay dowladda Kenya ka dhiseeyso Soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan degmada Baladxaawo.

Shacabkii ka hadlay dibadbaxa ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland in ay arrintan ka hadlaay, ayagoo si gaar ah uga codsaday madaxweynaha in uu arintan soo farageliyo maadaama bay yiraahdeen ay tahay arrin la xiriirta madax banaanida dalka.

Dadkii ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Mandheera iyo Baladxaawo ay yihin dad walaalo ah oo aan kala maarmin, islamarkaana waxa ay sheegeen in aysan suurogal ahayn in darbi laga dhex dhiso.

Gudoomiyaha degmada Garbahaareey Iimaan Cadoow Kaarsho oo ka hadlay fagaarihii ay isugu yimaadeen shacabka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay shacabka la qabaan in laga hadlo darbiga laga dhisayo inta u dhexeeya Mandheera iyo Baladxaawo, isagoo sheegay in madaxda qaranka ay ka rajeeynayaan in arrintan ay soo faragelin doonaan.

Dowladda Kenya oo mudooyinkii u danbeeyay waday qorshaha dhismaha darbiga oo ay sheegtay in ay ku sugeeyso amniga dalkeeda ayaa soo socoday mudo dheer, balse arrintan ayaa dib usoo cusboonaatay kadib markii cabirka darbiga uu soo galay xaafado ay daganaayeen shacabka Soomaaliyeed oo ku yaal Baladxaawo, halkaa oo ay Kenya sheeganeeyso in uu dhulkeedu yahay oo ay ku fiday Baladxaawo, halka shacabka degmadaasi ay sheegayaan in dhulkaasi yahay dhul ka tirsan xuduudda dhanka Soomaaliya.

Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka koobnaa dowladda dhexe ee Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamanka dalka, Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland iyo masuuliyiin kale oo uu horkacayay Wasiirkii hore ee wasaaradda arimaha gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa horaantii sanadkan gaaray degmada Baladxaawo ayagoo kormeeray goobta ay Kenya ka dhiseeysay darbiga.

Ilaa hadda ma jiraan wax wadahadal ah oo ku saabsan sharci ahaanshaha darbiga ay Kenya ka dhiseeyso Soohdinta ay la wadaagto dalka oo dhexmaray madaxda labada dal, mana jiraan cadeeymo

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaiya.