3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo u yaarey xildhibaannada maqan

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) - Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa u yeeray xildhibaannada Soomaaliya ee ku maqan dalka dibediisa, iyadoo dhawaan la filayo in loo codeeyo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka.

Cabdiwali Muudeey ayaa sheegay Xildhibaanada safarada dheer ku maqan iyo kuwa kaleba inuu isugu yeeraayo inay dalka ku soo xaadiraan.

Wuxuu sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in laga doonaayo illaalinta iyo midnimada Golaha Shacabka, maadaama Xildhibaanka uu yahay masuul Qaran.

“Waxaan ugu baaqayaa xildhibaannada maqan in ay deg deg u soo galaan si ay u gutaan waajibaadka dastuuriga ah, qof kasta oo fasax lahaa waxaan ka qaaday fasixii uu lahaa aniga oo ah ku simaha gudoomiyaha baarlamanka ahna gudoomiye ku xigeenka” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka.

Shirkan Jaraa'id oo ahaa mid kooban, ma uusan sheegin gudoomiye ku-xigeenka waqtiga loo codeynayo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia













Click here
3/21/2018 4:03 PM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) – Taliyaha Militariga Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xusseen Gora doo ka hadlay iska horimaad maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan ciidamo lagu magacaabo ku Imaaraadka oo ka howlgala magaalada Muqdisho.

3/21/2018 12:21 PM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)-Wasiirka Maaliyadada Dowlada Goboleedka Hirshabelle Maxamed Maxamuud Cabdulle (Max’ed Dheere) oo wareysi gaar ah siiyay Hiiraan Online ayaa ka war bixiyay arrimo badan oo Dhinaca Maaliyad ah ee Maamulka Hirshabelle.

3/21/2018 11:48 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)-Baarlamaanka reer Yurub ayaa shalay waxaa ay dhageysteen warbixin iyo marag fur ku aadan xadgudubyada ka dhan ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed, xoriyatul qowlka, iyo xoriyada in muwaadiniinta sameystan ururo madax-banaan isla markaana ay u shiri karaan si xor ah oo aan laga hor istaagin.

3/21/2018 9:22 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)–Shirgudoonka golaha Wakiiladda Somaliland ayaa golahoodda ugu yeedhay wasiirka warfaafinta ee laga cabanayo buugga uu qoray iyo dadka muduciga ku ah ee buugaasi ka soo horjeedda.

3/21/2018 8:06 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)–Guddigii loo saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray go’aano dhowr qodob ka kooban, kaddib markii ay la kulmeen dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo iyo Madaxda dowladda sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

3/21/2018 7:51 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)-Suuqyadda magaaladda Hargeysa waxa ka jira jahawareer uu sababay lacagtii Mobiladda ee loo bedelay Shiling Somaliland ka dib markii dadkii ganacsatadda diideen in wax lacag ah dadka kaga iibiiyaan lacagta Mobile-ka.

3/21/2018 6:22 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)-Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa lagu waramayaa in ay duqeyn ka geysteen gobolka Shabeellaha hoose waxaa lagu waramayaa in ay ku dileen labo xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

3/21/2018 3:36 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaadka ka dhacay Agagaarka Tarbuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo u dhaxeeya ciidamo ka kala tirsan nabad-sugida iyo ciidamada uu tababaro Imaaraadka.

3/21/2018 3:07 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)– Rasaas culus oo u muqata in leys weydaarsanayo ayaa waqtiga laga maqlayaa Agagaarka Tarbuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

3/21/2018 2:11 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)–Xubnaha guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa maanta lagu wadaa in ay warbixin ka dhageystaan guddi dhawaan loo saaray xalinta khilaafka ka dhax oogan baarlamaanka Soomaaliya.

3/21/2018 1:37 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)– Wafdi ka socda hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee IOM ayaa booqday xarumaha lagu dhaqan celiyo xubnaha ka soo goosta Al-shabaab.

3/21/2018 1:25 AM EST
Arbaco, Maarso,21,2018(HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Shabeellaha hoose Cabdifitaax Cabdulle ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qabtay labo saraakiil oo ka tirsanaa Al-shabaab.

3/21/2018 1:05 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) –Sarkaal Maxamed Nuur oo ka tirsanaa Booliiska magaalada Minneapolis ayaa Talaadadii shalay loo xirey in uu ula kac dilay Justine Damond oo aheyd Haweeney u dhalatay dalka Australia, nin ay saaxiibo ahaayeena kula nooleyd Magaalada Minneapolis.