3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2018
Halkee ayuu marayaa dhoolatuska siyaasadeed ee xildhibaannada Golaha Shacabka

 

Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) –Wali mey saldhiggan oo waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo horjeeda ee ku kala aragti duwan mooshinka laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Golihii Wasiirradda ugu badnaa ayaa mar kaliya ka soo dhax muuqday kulan maalintii shalay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ku dhaxmarey xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah Prof Jawaari, waxaana kulankaa ka hadlay inta badan xildhibaannada ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed oo ka dalbaday guddoomiyaha in uu xilka iska casilo ka hor inta aan la gaarin codbixinta, iyaga oo sheegay in xildhibaannada ka soo horjeeda gaarayaan 197 xildhibaan.

Laakiin taa badalkeeda xildhibaannada taageersan Prof Jawaari ayaa arintaa beeniyay iyaga oo sheegay in 184 cod oo kaliya u baahan yihiin si ay xilka uga qadaan Jawaari, sidaa daraadeed haddii ay gaarayaan 197 xildhibaan aysan jirin sabab ay guddoomiyaha ugu dhiir-galiyaan in uu xilka ka dego.

Dhoola-tusyada siyaasadeed ee socda ayaa u muuqda kuwo ragaadiyo howlihii labada gole ee dowladda, madaama xubnaha golaha Wasiirrada iyo xildhibaannada howlmaalmeedkooda caadig ahaa u weeciyeen ololaha la xiriira mooshinka oo dhinac walba ku dadaalayo sidii uu uga takhlusi lahaa dhinaca kale.

Jawaari ayaa meesha ka saaray in uu xilka iska-casilayo ka hor inta aan la gaarin codbixinta mooshinka, madama sida uu hadalka u dhigey uu sharci uga degayo kursiga.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo guddoomiye Jawaari uu ku eedeeyay in uu gadaal ka riixayo mooshinka isaga laga keeney.

Sidoo kale madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la ogeyn mowqifkiisa ku aadan khilaafkan siyaasadeed ee labada Gole ee dowladda marka laga reebo kulan uu la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guud ahaan dadka falaqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa qaba in arrimahan dhacaya bulshada Soomaaliyeed soo xasuusinayaan is-qabqabsigii siyaasadeed ee ragaadiyay dowladihii tan ka horeeyay, waxaana ay intaa raacinayaan in xitaa haddii uu meesha ka baxo ama uu sii joogo Prof  Jawaari aysan joogsan doonin mooshinnnadan lana arki doono mas'uuliyiin kale oo dood ka taagan tahay xil-heyntooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/20/2018 11:38 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay madaxda iyo shacabka Jabuuti geeridii ku timid, Alle ha u naxariistee, Barkat Gourad Hamadou oo maalintii shalay ku geeriyoodey dalka Faransiiska.

3/20/2018 8:14 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) –Xaruntan oo loo dhisi doono dhalinyarta Jubbaland, islaamrakana noqon doonta madal ay dhalintu ku kulanto si ay uga qeybqaataan nabadda iyo hourmarka dalka ayaa waxaa si wadjir ah u dhagaxdhigay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubbaland, wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska iyo masuuliyiin kale.

3/20/2018 6:30 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisoow oo saakay dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda.

3/20/2018 4:51 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Tukiga Rajep Deyib Erdogan ayaa ku goodiyay in ay ciidamadiisu isbalaarin ku sameyn doonaan goobaha kale ee jabhada Kurdishku ay kaga sugan tahay dalka Suuriya, kaddib markii ay ka sareen degmada Afrin.

3/20/2018 3:23 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)–Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ay sheegeen in beesha Caalamku ay faraha kala baxaan arrimaha u gaarka ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

3/20/2018 2:31 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda uga qeyb galay Kulanka gaarka ah ee 18aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Afrika ay leedahay.

3/20/2018 2:22 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in dil lagu xukumo dadka daroogada ka ganacsada, arrintaas oo qayb ka ah qorshaha uu wax ooga qabanayo laqabatinka baaxadda leh ee dadka maraykanku ay ku adeegsadaan xannuun baabi'iyaha.

3/20/2018 1:18 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)–Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culusoo fiidnimadii xalay ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab degmada Buurdhuubo ee gobolka.