3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 2 , 2018
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hor-yimid heshiiskii Dekeda Berbera

 

Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL) - Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay waxaa uu ka hadlay heshiiskii Dekeda Berbera ee ay saamiga ku kala saxiixdeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo dowladda Itoobiya, iyadoo heshiiskan la saxiixay xilli ra’iisul wasaraaha ku sugnaa Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskaas aanay qeyb ka aheyn, lugna ku laheyn, isagoo xusay in mowqifka dowladda uu yahay midka ay soo saartay Wasaaradda dekeddaha iyo Gaadiidka Badda ee ay heshiiskaas ku tilmaamay inuu ahaa mid sharci darro ah.

“Mowqifka dowladda Soomaaliyeed waa midka ku cad, midka ay soo saartay wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, heshiis walba la galayo oo masiiri ah, deked ha ahaato ama kheyraad dalka meel walba oo ay tahay waxaa u igman kaliya dowladda federaalka, ansixintiisa waxaa leh Baarlamaanka, waxaa mar labaad hoosta ka xariiqayaa in shirkad walba oo dunida ah oo raba in dalkeena maalgashadaan waa soo dhoweyneynaa, laakiin waa inay soo maraan daqriiqa dhabta hey’adaha dastuuriga”ayuu yiri ra’iisul Wasaaraha oo si geesinimo leh uga hadlay go’aanka dowladda ee ku aadan heshiiska dekedda Berbera.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkad walba oo aan soo marin dariiqa sharciga ee ku soo xadgudba dalka ay la tiigsanayaan sharciga, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/2/2018 10:23 AM EST
Jimco. Maarso, 02, 2018 (HOL)-Garoonkii ugu horeyay oo ay dhisteen maamulka iyo dadka ku nool degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo gacan ka helaayo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Jabuuti ayaa laga hergaliyay degmada.

3/2/2018 5:00 AM EST
Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Al-shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Balcad.

3/2/2018 4:31 AM EST
Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL)–Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari uu ka dhacay xarun ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaas.

3/2/2018 4:16 AM EST
Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka mid ah ururka Al-Shabaab ay weerareen degmada Balcad oo 37km dhinaca Waqooyi ka xiga caasimada dalka ee Muqdisho.

3/2/2018 2:34 AM EST
Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa arrin sharci darro ah ku tilmaamtay heshiiskii dekedda Berbera,kaddib bayaan ka soo baxay wasaaaradda Gaadiidka iyo Dekeddaha.

3/2/2018 1:43 AM EST
Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL)-Shan Askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay saddex kalana waxaa ka soo gaaray dhaawacyo halis ah, kaddib markii Al-shabaab ay weerareen Labo Saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka lagu magacaabo Fino oo ka tirsan degmada Mandera.

3/2/2018 1:30 AM EST
Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL) - Shirka Guddiga Amniga Gobolka Benaadir oo guddoominayey Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo ay ka qeyb galeen guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed C/laahi Maxamed, taliyeyaasha qeybta gobolka ee ciidamada Millatariga, Booliska, Nabad-sugidda iyo Asluubta ayaa waxaa looga wada hadlay afar qodob oo mudnaan u leh ammaanka Caasimadda.

3/2/2018 1:13 AM EST
Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL)-Saraakiisha ciidamada xoogga dalka sheegeen in ay howlgal qorsheysan ku dileen ku dileen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab, kaddib howlgal ka dhacay Tuulooyin hoos-yimaada Gobolka Gado.

3/2/2018 12:52 AM EST
Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL)-Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda maanta oo Jimco ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 2-bisha March 2018, waxaa ka furmaya shir fursad u siinaya in laga xaajooda Xaaladda haatan ka taagan Soomaaliya.