9/28/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 19, 2018
KOORE “ Imaaraadka waan isku afgaranay dhamaan qodobadii aanu hor dhignay”


 

Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) – Weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta dalka dib ugu soo noqday ka dib markii muddo ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo weftiga madaxweynaha ka mid ahaa oo afka weftiga ku hadlayey ayaa sheegay inay booqashadii Imaaraadka ay kala kulmeen arrimo farxad galinaya shacabka Somaliland,isla markaana waxyaalo badan oo ay hor dhigeen Imaaraadka Carabta ay isla qaateen.

“weftigi uu madaxweynuhu hogaaminayey waxa loo soo dhoweeyey si qaranimo ah ,waxaana madaxdii aanu la kullanay ee Imaaraadka Carabta isla qaadanay dhamaan qodobadii aanu hor dhignay, taas oo farxad u ah shacabka Somaliland, sidaad og tihiin waxa hal hays u ah xukuumadan cusub ee ololaha ku galnay weedha ah hore loo soconayaa, dib cid aanu u eegayan ma jirto qarankuna wuu dhaqaaqay”ayuu yidhi Koore oo ku hadlayey afka weftiga.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Somaliland ay yeelatay saaxiibo badan, waxaanu yidhi “ waxaanu leenahay saaxiibo aanu ku kalsoonanay oo na garab taagan, waxaanu aad ugu mahad celinaay dawladda na marti qaaday waxaanu idin leenahay dadka somaliland qalbigiina wanaag u sheega, wax aanu ku faraxnay oo idinka idin farxad galin doonna ayaanu kala kulanay dalka Imaaraadka Carabta, waxaaana la kulanay madax badan oo ka tirsan wasiiradda.”.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa weftigan ayaa sheegay in Imaaraadku balan qaadeen in xoolaha nool dalkooda loo dhoofin doono,isla markaana ka caawin doonaan in SUcuudiga xoolihii loo dhoofin jirey uu fasaxo, waxa kale oo uu carabka ku adkeeyey in la ogolaaday in Passporka Somaliland lagu tago dalka isku taga iMaaraadka.

“Xoolihii waa la ogolaaday oo Imaaraadka waa loo dhoofinaya, Sucuudigana way ka hawlgalayaan sidii uu xoolaheena u fasaxi lahaa, xaga amniga gacan weyn bay inaga siinayaan oo hadda waxaanu kaga nimid taliyeyaashii ciidamadeenna”

Waxa dalka Imaaraadka kaga hadhay guddi farsamo oo fulin doonna qodobaddii lagu wada hadlay, waxaaanay kala yihiin taliyeyaashii ciidamadda, wasiirka Isgaadhsiinta, wasiirka Xanaanada xoolaha iyo Kalluumaysiga, Gudoomiyaha Baanka dhexe iyo xubno kale.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
3/19/2018 3:22 PM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) - Feysal Cabdullaahi Cumar oo 16 sano jir ku dhaqan degmada Jowhar ayaa iska diidey sida uu hadalka u dhigay xilka guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degmada Gambole ee gobolka Shabeellaha dhexe oo sida uu hadalka u dhigay uu u magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle.

3/19/2018 2:15 PM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Caawa abaare salaaddii maqri kadib ayay maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab weerar qorsheeysan ku qaadeen saldhig ay ciidamada Jubbaland ku lahaayeen duleedka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

3/19/2018 10:20 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Inta la og-yahay Labo Ruux oo ka mid ahaa 16 shaqaale ayaa ku dhaawacmay Doon maanta ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

3/19/2018 9:43 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)- Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

3/19/2018 5:15 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Jaaliyadda Gobolka Gedo ee magaladda Columbus Ohio ayaa maanta taageero u muujiyay wada hadalada dhinacyada Mandheera iyo Beledxaawo oo dhawaanahan ay xiisado xaduud kala xirashaa u dhaxaysay waxayna wada hadalada xiligan ah ku tilmaameen kuwo lagama maarmaan u ah bulshada labada dhan.

3/19/2018 5:02 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Doon sida shixnad ganacsi ay ku gubaneyso agagaarka Dekeda.

3/19/2018 2:40 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Gobolka Sanaag wararka ka imanaya ayaa sheegaya in heshiis buuxa laga gaaray colaad muddo dheer u dhaxeysa labo beellood.

3/19/2018 1:55 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Madaxwayne Vladimir Putin ayaa 6 sano oo kale xafiiska sii hayn doona ka dib markii uu si wayn ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

3/19/2018 1:43 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay Dab khasaare xoogan geystay oo ka kacey guri ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaa oo sababay geerida Hooyo Soomaaliyeed iyo 5 Carruur ah oo ay dhashay.

3/19/2018 1:27 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cimaan Jawaari ayaa xalay kulan gaar ah la qaatey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen Khilaafka ka dhashay Mooshinka iyo sidii loo wajihi lahaa.