4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 18, 2018
Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Aaska Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale


Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)- Waxaa maanta magalada Muqdisho Aas loogu sameeyay Alle ha u naxariisteen Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo maalintii shalay Rag hubeysan ay ku dileen meel aan ka fogeyn hoygiisa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuun ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowladda, WasiirkaWasaaradda Waxbarashada Xukumada iyo Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, odayaal dhaqameed, ganacsato iyo siyaasiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan,

Saaalada Jinaasada  waxaaa  lagula dukaday Marxuumka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaa oo lagu Aasay.

Aaska kaddib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay xildhibaannada Labada Gole ee dowlada Soomaaliya waxaana ay uga tacsiyeeyeen dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hiiraan oo uu ka baxay nabadoon  weyn waxeyna intaasi ku dareen in gacan ka xaqdaran ay dishay.

Xildhibaan Nuur Iidow iyo Xildhibaan  Cabdullahi Goodax Barre oo ka hadlay Aaska ayaa sheegay in dilka Nabadoonka ay ka dambeeyeen Al-shabaab islamarkaana ay aar goosi ahaan u dileen nabadoona kaddib markii xoogag badan looga dilay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan gaar ahaa degamda Maxaas.

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa shaaciyay in ay booqanayaa ciidamadii dadka deegaanka ee ku soo dhaawacmay dagaalka Al-shabaab kuwaasi oo la keenay isbitaalada Muqdisho qaar iyagoona dowlada ka codsadeen in daryeel caafimaad oo dibada ah loo fidiyo dadkan islamarkaana dadka Gobolka Hiiraan in ay ku taageerto dowladu  la dagaalanka Al-shabaab si bay yiraahdeen looga xureeyo loogana kor qaado dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka deegaanadaasi.

Xildhibaanada, Siyaasiinta Odayaasha iyo dhamaan qeybihii ka soo qeyb galay Aaska ayaa dhamaan sheegay in dilka Nabadoonka uu sii xoojin doono dagaalanka lagula jiro Al-shabaab.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia