4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 18, 2018
17 sano jir ku nool degmada Jowhar oo ka cabanaya xil loo magacaabay

 

Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL) – Feysal Cabdullaahi Cumar oo ah 17 sano jir wax ka dhigta dugsiga sare oo ku yaala magaalada Jowhar ayaa ka cabanaya xil ay u magacaawday Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabeelle.

Wiilkan oo xiriir la soo saameeyay Idaacada Kulmiye ee fadhiggeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo magacaabey guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Gamboole, isaga oo magacaabistaa ku tilmaamay mid uu aad ula yaabay oo lagu deg degey.

‘’Waxaa dhigtaa fasalka Afaraad ee dugsiga, aad ayaan ula yaabay markii aan arkey Warqadan leygu magacaabey, Anniga xilkaa ma qaban karo, waayo wada og-tahay xaalada dalka, caqabad weyn ayeey arintaan nolasheyda ku noqon kartaa iyo aan bulshada dhax-galo, sidaa daraadeed Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle waxaan ku wargaliyay in aan xilkaa qaban karin’’ ayuu yiri Feysan Cabdullaahi Cumar.

Wuxuu sheegay in markii hore qoyska uu ka soo jeedo gaar ahaan Aabihii lagu wargaliyay in Wiilkiisa uu ka qeybgalayo Siminaar, laakiin inta aan siminaarka la gaarin ay ka soo hor martay Warqadan leygu magacaabey ayuu yiri Feysal Cabdullaahi Cumar.

''Wadatashi kaddib waxaa go'aansaday in aan xilkaa iska casilo, warqada is casilaadeydana waan u gudbiyay Wasaaradda'' ayuu yiri Feysal.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Wasaaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle oo la xiriira cabashada Wiilkan 17 sano jirka ah ee ka cabanaya xilka loo magacaabay isaga oo aan lagu soo wargalin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]