4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 18, 2018
Kheyre oo xalay kormeeray qaar ka mid ah Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir

 

Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska ayaa xalay kormeer ku tagay Saldhigyada Booliska degmooyinka H/wadaag, Hodan iyo Dayniile, isagoo u kuur galayay sida ay u socoto howlaha sugida ciidamada.

Ciidamo gaar ah oo loo diyaariyay sugida amniga caasimadda oo isugu jira Boolis, Nabadsugid iyo Militari ayuu ka dalbaday in ay u diyaar garoobaan sidii dalka looga saari lahaa Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la hadlay ciidamo gaar ah oo loo diyaariyay sugida amniga Muqdisho, isagoo kula dardaarmay inay xaqiijiyaan amniga Caasimadda, kana hortagaan falalka amni daro iyo weerarada Al-shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada ka qeyb qaadanaya sugida amniga, waxaana uu u muujiyay taageero, isagoo ku hadlayay magaca Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa todobaadkii hore kormeeray saldhigyo ciidan, sida saldhiga booliska degmada Huriwaa oo ay ku sugan yihiin ciidamo Boolis ah oo ka qeyb qaata sugida amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]