4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 18, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo dib u dhigay safar uu maanta ugu anbabixi lahaa dalka Qatar

 

Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay safar uu maanta ugu anbabixi lahaa dalka Qatar sida ay inoo sheegeen xubno siweyn ugu dhaw dhaw xafiiska madaxweynaha.

Saacadihii ugu danbeeyay xarunta madaxtooyada waxaa ka soconayay qaban-qaabada safarka madaxweynaha, hasse ahaatee markii danbe ayuu goostay in uu dib u dhigo socdaalkiisa, sababo la xiriira khilaafka xooggan ee ka dhax aloosan Golaha Shacabka iyo Xukuumadda .

Madaxweynuhu ilaa iyo hadda kama uusan hadal mowqifkiisa khilaafka labada dhinac, balse waxaa jira cadaadis lagu saarayo in uu soo fara-galiyo arintan oo u muuqda mid siyaasadeed.

Xildhibaannada ka soo horjeeda Mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari ayaa ku dhaliilaya madaxweynaha in uu sheeda kore uun ka daawanayo waxa dhacaya, taa badalkeedana looga baahan yahay in uu qaato doorkiisii mas’uuliyadeed ee looga baahnaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka Hey’addaha Sharci dejinta iyo Fulinta hoy iyo xafiis u aheyd Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo howl maalmeedkiisa shaqo u wareejiyay.

Khilaafkan ayaa xitaa saameyn adag ku yeeshay howlihii dowladda, iyadoo aad moodo in mashquul lagu wada yahay kulamo iyo shirar iska soo horjeeda oo ay qeyb ka yihiin xubnaha ku jira labada golle ee dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]