4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2018
Guddida kor u qaadidda Shiling Somaliland “Adeega isku bedelka lacagta mobileka dhexdiisa maanta ugu dambaysay”

 

Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) - Guddida tayeynta shilinka Somaliland iyo la tacaalidda sicir bararka ayaa sheegay in mudadii dheeraadka ahaa ee la siiyey shirkadaha Isgaadhsiinta ee bixiya adeega lacagta lagu shubto Mobile-ka in boqol dollar wax ka yar aan adeegaasi lagu isticmaalin ay kaga eegtahay caawa 12-ka habeenimo.

Guddidan ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya aanu shaqayn doonin boqol doolar wixii ka yar iyo in Mobileka laga dhex sarifto lacagta dollar ah ee ku jirta, taas oo shirkada Telesom bilowday adeeg cusub oo ay ku bedeshay isticmaalkii dollar oo ay ka dhex furtay sarifle Mobile-ka dhexdiisa, taas oo lacagtii doolar ee kugu jirtay mobileka aad ku sarifanayso mobileka dhexdiisa oo Shiling Somaliland wax ku iibsanayso, haseyeeshee adeegaasi cusub waxa ka qayiliyey ganacsatada yaryar ee sarifka ka shaqaysto oo u arkay inay meesha ka baxayan hadii adeegaasi loo fasaxo shirkadda Telesom, taasina waxay keentay in gabi ahaanba sarifkaasi laga joojiyey oo shirkadaha waaweyni aanay waxba sarifin, islamarkaana boqol doolar wax ka yar aan lacagta Mobile lagu isticmaali Karin.

Guddidan ayaa hore muddo 45 cisho ah ku siiyey in lagu joojiyo lacagta Mobileka lagu shubto boqol doolar wax ka yar, waxaanay mudadaasi ku eekeed march 13-keedii, haseyeeshee afar cisho ayey mar kale dalbadeen shirkaduhu in loogu daro si dadkii lacagta ugu jirtay u siin lahaayeen, waxaanay afartaasi cisho kaga eeg tahay caawa 12-ka habeneimo.

“Adeega isku bedelka lacagta mobileka dhexdiisa maanta ugu dambaysay, wixii maanta ka dambeeya go’aamadu waxay u fuliyaan sidii hore, guddidu iyagoo hawshoodii sii wadatay waxay ganacsatada iyo shacabka ugu baaqyaan inay isticmaalaan shilinkoodda oo uu noqdo waxa wax lagu qiimaynayaa shilingka Somaliland”ayuu yidhi wasiirka Isgaadhsiinta Abdiweli Suufi oo ka tirsan guddidan.

Gudidan ayaa sheegay in sicir bararka iyo qiimo dhaca lacagta Somaliland ay sabab u tahay isticmaalka wadanka dhexdiisa ee lacagta Doolar ah ee lacagtga Mobileka lagu shubto, waxaana la go’aamiyey in boqolka dollar wixii ka yar gabi ahaanba laga joojiyey wadanka si loo dhiirigaliyo shilling Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.