Sabti, Maarso,17, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka
Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ay Mooshin ka keeneen tiro ka badan
100 xildhibaan ayaa sheegay in sharci ahaan uu jabey Mooshinkii la soo
gudbiyay, laakiin isaga oo u daneynaya badbaadinta Golaha Shacabka ogolaanayo
in xildhibaannada ka soo horjeeda soo dhameystiraan xubnaha ka dhiman si uu
sharci u noqdo mooshinka.
‘’Sida aad ogtihii mooshinka leyga oo gudbiyay sharci ahaan wuu jabay,
madaama uu buuxin waayay tiradii loo baahnaa in uu ku ansaxo, laakiin waxaan
ogolahay in xildhibaannada mooshinka wada soo dhameystiraan tirada mooshinka ka dhiman, kaddibna cod lagu kala baxo, Anniga oo taa u sameynaya
badbaadinta Golaha Shacabka’’ ayuu yiri Prof Maxamed Cismaan Jawaari.
Guddoomiye Jawaari ayaa dhinac dalbaday in meel ka baxsan
xarunta Golaha Shacabka lagu qabto kulanka xildhibaannadu ugu codeynayaa
mooshinka kalsooni kala noqoshada, isaga oo xarunta Baarlamaanka ku tilmaamey
goob aan lagu kalsoonaan karin oo ay Xukuumadu la wareegtay.
Wali ra’iisal wasaare Kheyre kama uusan hadal eedeynta culus ee uga timid
dhinaca guddoon Golaha Shacabka oo sheegay in ciidamo isaga ka amar qaata la
wareegeen xaruntii Baarlamaanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]