4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2018
Xildhibanno ka dalbadey madaxweynaha in uu deg deg u soo fara-galiyo arinta Baarlamaanka

 

Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) – Iyadoo aad moodo in ay cirka isku shareertey xiisada siyaasadeed ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xukuumadda ayeey ugu baaqeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu deg deg arinta u soo faragaliyo.

Xildhibaannada oo u badan kuwa ka soo horjeeda mooshinka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in madaxweynuhu sheeda kore ka daawado oo kaliya waxa dhacaya, laakiin taa badalkeeda loo baahan yahay in uu qaato sida ay hadalka u dhigeen doorkii uu lahaa, madaama uu yahay mas'uulkii ugu sareya dalka.

Maanta oo Sabti ah ayaa loo balansanaa in uu dhaco kulankii Golaha Shacabka, laakiin taa ma muuqato oo waxaa hareeyay khilaaf siyaasadeed oo xildhibaannada dhaxdooda ah iyo shaki xildhibaannada qaar ka muujinayaan Amaanka Golaha Shacabka oo ay la wareegeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]